4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 30, 2018
Wararkii ugu danbeeyay dagaal culus oo shalay ka dhacay deegaanka Goofguduud

 

Axad, December, 30, 2018 (HOL)- Ugu yaraan 22 dhinacyadii dagaallamay ah ayaa ku dhintay dagaal culus oo maalintii shalay ciidamada dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa maamulka Koonfur Galbeed iyo Al-shabaab ku dhaxmaray deegaanka Goofguduud ee gobolka Baay.

Dagaalka waxaa ku dhintay oo lagu dilay 14 ka tirsan xoogagga Al-shabaab, halka ciidamada dowladda uga dhinteen 8 Askari.

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa weerar culus oo dhowr jiho ah ku qaaday fariisimo ciidamada dowladda ay ku lahaayeen deegaanka, hasse ahaatee ciidamada ayaa bilaabay in ay siweyn isaga caabiyaan.

Intii uu dagaalku socday waxaa gaaray deegaanka ciidamo aad u heysan garab-siinaya kuwa Koonfur Galbeed ee dagaalka kula jiray Al-shabaab.

Wali Al-shabaab war rasmi ah kama aysan soo saarin dagaalka deegaanka Goofguduud oo marar badan oo hore soo noq noqday.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]