4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 30, 2018
Waa sidee xaalada deegaannadii ay dagaalladu ka dhaceen ee gobolka Galguduud

 

Axad, December, 30, 2018 (HOL)- Waxaa xaaladda degenaasho laga soo sheegayaa deegaanka Kaxandhaale ee xadka gobolka Galguduud uu la wadaago dalka Itoobiya oo labadii cisho ee la soo dhaafay ay ka socdeen dagaallo culus oo u dhaxeeya labo maleeshiyo beelleed.

Wafdiga uu horkacayo Wasiirka Wasaarradda Arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye iyo xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ayaa lagu wadaa in ay maanta gaaraan deegaanka Galinsoor iyaga oo halkaa ka bilaabi doona wada hadallo lagu joojiyo colaada labada beellood.

Wasiirka iyo wafdiga la socda ayaa kulamo la qaadan doona qeybaha kala duwan ee bulshadda si ay uga dhaadhiciyaan in ay dagaalka joojiyaan.

Dagaalka ayaa galaaftay nolasha dad badan oo ay ka mid ahaayeen haween iyo carruur sidoo kalana waxaa ku barakacay dadkii ku nolaa dhulka miyiga oo ay dagaalladan ka dhaceen.

Dhinaca kale wafdiga dowladda ayaa sheegay in marka ay soo afjaraan colaada labada beelleed ee gobolka Galguduud u gudbi doonaan xalinta dagaalladii ugu danbeeyay ee ka dhacay deegaanno u dhaxeeya labada gobol Hiiraan iyo Galguduud. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]