4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 29, 2018
Dagaal culus oo ka dhacay deegaanka Goofguduud ee gobolka Baay

 

Sabti, December, 29, 2018 (HOL)- In ka badan 20 ruux ayaa ku dhimatay dagaal culus oo maanta deegaanka Goofguduud ee gobolka Baay ku dhaxmaray ciidamada maamulka Koonfur Galbeed iyo Al-shabaab.

Xoogagga Al-shabaab ayaa la sheegay in ay ku qaadeen weerar culus fariisamo ciidamada maamullka Koonfur Galbeed ku lahaayeen deegaanka, taasoo u suurtagalisay saacado kooban in ay la wareegaan gacan ku heynta deegaanka, inkastoo markii danbe ciidamada maamulka Koonfur Galbeed gacanta ku dhiggeen.

Magaalada Baydhabo wararka ka imanaya ayaa sheegaya in saacadihii ugu danbeeyay ay halkaa gaarayeen ciidamo ku hubeysan gaadiidka dagaalka oo gurmad ah.

Deegaanka Goofguduud oo 30km u jira magaalada Baydhabo ayeey ayaa marar badan hore sidan oo kale waxaa ka dhacay dagaallo sababayay khasaare dhimasho oo baaxad leh, waana deegaan gacan ku heyntiisu ay isku daba-maraan Al-sabaab iyo ciidamada maamulka Koonfur Galbeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]