4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 29, 2018
Golaha Wakiilada Somaliland oo ansixiyey miisaaniyaddii 2019-ka

 

Sabti, December, 29, 2018 (HOL)- Xildhibaanadda Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta ansixiyey odoroska miisaaniyadii qaranka ee 2019-ka, waxaanay ka kooban tahay lacag dhan: 2,334,320,463, 251 (Laba tiriliyan, saddex boqol Afar iyo soddon Bilyan, saddex boqol iyo labaatan milyan, Afar boqol iyo saddex iyo lixdan kun, laba boqol iyo kow iyo konton) Somaliland shilling oo u dhigma 420 milyan oo dollar.

Kalfadhigan waxaa shirgudoominayey gudoomiyaha golahaasi Baashe Maxamed Faarax, waxaana ka soo xaadirey lixdan xildhibaan oo ka mid ah 82 xildhibaan ee golahaasi ka kooban yahay.

Xildhibaanada golaha ayaa cod gacan taag ah ku meel mariyey miisaaniyada, waxaana u codeeyey 46 xildhibaan, 12 xildhibaana way diideen, hal xildhibaanna wuu ka aamusay gudoomiyuhuna ma codeyn.

Sidoo kale, ansixinta misaaniyada waxa lagu daray lifaaqii guddi hoosaadka dhaqaaalaha ee golaha Wakiilada ee ay kaga reebeen lix wasaaradood oo kordhiyey tacriifadii ay qaadi jireen,Intaas ka dibna waxa uu goluhu gallay fasax laba bilood ah.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.