4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 29, 2018
Madaxda dowladda federaalka oo laga mamnuucay Puntland inta ay doorashada socoto

Sabti, December, 29, 2018 (HOL) - Guddiga amniga doorashada Puntland oo Garoowe ku shiray ayaa ka hadlay arrimo ku saabsan adkaynta iyo xoojinta amniga , si baa la yiri looga hortago wax kasta oo carqalad iyo amni darro keeni kara xilliga doorashada Baarlamaanka iyo madaxweynaha.

Qodobbada shirka ka soo baxay ayaa waxaa ka mid ah in aysan Puntland imaan karin maalmaha doorashada lagu jiro shaqaalaha dowladda Federalka sida Wasiirrada, Agaasimayaasha, Saraakiisha ciidanka iyo howl-wadeennada Madaxtooyadda Soomaaliya.

Guddiga amniga ayaa sheegay inan Puntland la soo galin karin lacago kaash ah,iyadoo lacag kasta oo laga soo galiyo garoommada diyaaradaha iyo baraha koontoroolada lala wareegi doono.

Sidoo kale, guddiga ayaa warka uu soo saaray ku sheegay  diyaaradaha imaanaya Puntland in lagu amray inay soo gudbiyaan liiska dadka ay sidaan inta aysan soo duulin.

Guddiga amniga ayaa qodobbadan soo saaray xilli wax ka yar toddobaad ay ka dhimantahay xilliga loo ballamay inay doorashadu ku dhacdo ee horraanta bisha Jannaayo sannadka 2019ka.

Hoos ka akhri qodobbada shirka guddiga amniga;


Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]