4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 29, 2018
Hay’adda Mercy Corps oo xafiis ka furatay Muqdisho

Sabti, December, 29, 2018 (HOL) -  Wasiirka Qorsheynta Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Jamal Maxamed Xassan ayaa Jimcihii xarigga ka jaray xafiiska Hay’adda Mercy Corps ee Soomaaliya.

Munaasabadda daahfurka xafiiska Mercy Corps  , waxaa ka qaybgalay madaxa hay’adda iyo xoghayaha Joogta ah ee wasaaradda Qorasheynta Cabdulqaadir Axmed Warsame.

Mercy Corps waa hay'ad caalami oo arrimaha samafalka fulisa,waxaana xafiiskooda Muqdisho uu ku soo aaddaya markii dhawaan dowladda Soomaaliya ay ugu baaqday hay'adaha caalamiga ah ee ka howlgalla Soomaaliya inay xarumahooda dibadda ku yaalla usoo raraan Soomaaliya.

Dhawaan waxaa magaalada Muqdisho laga furay xafiisyada Hay’addaha Socdaalka ee IOM iyo  hay’adda Care International , si howlahooda shaqo ay uga billowdaan gudaha Soomaaliya.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]