4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 29, 2018
Labo askari oo ku dhintay weerar ka dhacay Boosaaso

Sabti, December, 29, 2018 (HOL) - Labo askari oo ka tirsan ciidanka amniga Puntland ayaa xalay lagu dilay magaalada Boosaaso,sida laga soo xigtay saraakiisha deegaanka.

Koox hubaysan oo aan haybtooda la aqoonsan ayaa la sheegay inay fuliyeen weerarka oo sidoo kale uu ku dhaawacmay askari kale.

Labada askari ee weerarka ku dhintay ayaa kala ah Axmed Aadan Jaamac (Salo) iyo Bucurde Jaamac Gaab oo labaduba ka tirsanaa ciidammada Buuraleyda Galgala ee dagaalka kula jira kooxda al-Shabaab ee Buuraleyda Silsiladda Golis. Askariga saddexaad oo dhaawac culus uu madaxa ka gaaray, horayna dhaawac dhabarka ahi uu Galgala ka soo gaaray ayaa isna ka tirsanaa isla ciidammada buuraha Galgala,sida ay baahisay idaacadda maxalliga ah ee Daljir.

Ma jirto wali cid sheegatay mas'uuliyada weerarka ay ku dhinteen askar ka tirsan ciidanka amniga, hay'adaha amniga ee Puntland ayaan sidoo kale wax war ah weerarkan ka soo saarin,iyadoo labadii bilood ee u dambeysay ay magaalada Boosaaso ka dhacayeen weerarro is xig xigay oo dhaliyay shacabku inay walaac ka muujiyaan xaaladda amni ee magaalada ganacsiga ah ee Boosaaso.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]