4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 29, 2018
Eritrea oo xirtay xadka Itoobiya

Sabti, December, 29, 2018 (HOL) - Eritrea ayaa xirtay qayb ahaan labo meel oo loogaga gudbo xadka dalka Itoobiya, kuwaas oo la furay sannadkan markii ay labada dal ay heshiis nabadeed gaareen ayna dib u soo ceshteen xiriirkii diblumaasi, sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan dowladda Eritrea.

Ma cadda sababta ay Eritrea u xirtey xadka balse afhayeenka u hadashay gobolka Tigray Liya Kassa ayaa u sheegtay wakaaladda ee Associated Pressin weli dadka Eritrea ay u soo gudbayaan gudaha dalka Itoobiya.

"Zalambessa iyo Rama ayaa laga xirey subaxnimadii  Arbacada dhinaca Eritrea". ayay tiri Liya Kassa oo inta ku darto in saraakiisha Eritrea ay weydiinayaan dadka Ethiopianka ee doonaya inay ka gudbaan xadka dukuminti safar oo ay dowlada Federalka Itoobiya soo saartay.

Afhayeen u hadlay Wasaarada Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa sheegay in aysan ka warhayn xayiraada cusub ee xadka,iyadoo  Sawirro la soo dhigey baraha bulshada ayaa muujinayeen basas iyo gaadiid waaweyn oo ku xayiran xadka.

Kumanaan ruux ayaa ka gudbay xadkan oo xirnaa muddo labaatan sannadood ah iyadoo ganacsi iyo qoysas kala maqnaa ay dib u midoobeen.Labada dowladood ayaa sidoo kale ballanqaaday inay ciidammada ku sugan xadka kala qaadi doonaan.

Bishii June ayay ahayd markii dalalka Itoobiya iyo Eritrea ay dib u soo ceshteen xiriirkooda diblumaasi,kaddib markii uu xilka la wareegay Ra’iisul wasaare Abiy Axmed bishii April.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]