3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 29, 2018
Baarlamaanka Soomaaliya oo kulan yeelanaya, kaddib toddobaadyo uu hakad ku jiray

Sabti, December, 29, 2018 (HOL) - Xildhibaannada Baarlamaanka federaalka ayaa maanta kulan ku leh xarunta golaha shacabka, kaddib 25 maalin oo Baarlamaanka uusan wax kulan ah yeelan , sababo la xiriira khilaaf hareeyay Guddoonka Baarlamaanka.

Kulanka maanta oo Sabti ah ee Golaha Shacabka uu yeelanayo ayaa ajandaha looga hadlayo waxaa ka mid ah miisaaniyadda sanadka 2019ka oo la qorsheeynayo in si degdeg ah loo meel mariyo, ka hor inta aanu dhammaan sannadkan.

Balse, xildhibaannada qaar oo warbaahinta gudaha la hadlay ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in ajandaha maanta aanay ku jirin xisaab xirka miisaaniyadda sannadkii 2017ka iyo sannadkan dhammaanaya ee 2018, oo aanay Wasaaradda Maaliyaddu weli soo bandhigin.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]














Click here
12/29/2018 2:01 PM EST
Sabti, December, 29, 2018 (HOL)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta xafiiskiisa waxaa ku booqday qaar ka mid ah carruurtii uu ka geeriyooday Alle ha u naxariisteen Wariye Cawil Daahir Salaad oo 22-kii bishan ku geeriyooday Qarax Al-Shabaab ka geysteen magaalada Muqdisho.

12/29/2018 10:51 AM EST
Sabti, December, 29, 2018 (HOL)- Kulanka guud ee mudanayaasha golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa maanta looga hadlay hal ajende oo ahaa Warbixinta iyo ka doodista Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2019-ka

12/29/2018 8:21 AM EST
Sabti, December, 29, 2018 (HOL)- In ka badan 20 ruux ayaa ku dhimatay dagaal culus oo maanta deegaanka Goofguduud ee gobolka Baay ku dhaxmaray ciidamada maamulka Koonfur Galbeed iyo Al-shabaab.

12/29/2018 6:52 AM EST
Sabti, December, 29, 2018 (HOL)- Xildhibaanadda Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta ansixiyey odoroska miisaaniyadii qaranka ee 2019-ka, waxaanay ka kooban tahay lacag dhan: 2,334,320,463, 251 (Laba tiriliyan, saddex boqol Afar iyo soddon Bilyan, saddex boqol iyo labaatan milyan, Afar boqol iyo saddex iyo lixdan kun, laba boqol iyo kow iyo konton) Somaliland shilling oo u dhigma 420 milyan oo dollar.

12/29/2018 6:24 AM EST
Sabti, December, 29, 2018 (HOL)-Guddoomiyaha Maxkamada Sare Soomaaliya Baashi Yuusuf Axmed ayaa wax aan loo dul qaadan karin ku tilmaamay in dadka shacabka ee ku dhaqan deegaannada ay dowladdu maamusho Garsoor u doontaan Maxkamadaha Al-shabaab.

12/29/2018 4:15 AM EST
Sabti, December, 29, 2018 (HOL) - Guddiga amniga doorashada Puntland oo Garoowe ku shiray ayaa ka hadlay arrimo ku saabsan adkaynta iyo xoojinta amniga , si baa la yiri looga hortago wax kasta oo carqalad iyo amni darro keeni kara xilliga doorashada Baarlamaanka iyo madaxweynaha.

12/29/2018 3:41 AM EST
Sabti, December, 29, 2018 (HOL) - Toban sanno ayaa laga jooga markii maanta oo kale madaxweynihii dowladda kumeelgaarka ahayd ee Soomaaliya, Cabdullaahi Yuusuf Axmed is-casilaaddiisa kaga dhawaaqay Baarlamaanka hortiisa.

12/29/2018 2:56 AM EST
Sabti, December, 29, 2018 (HOL) - Wasiirka Qorsheynta Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Jamal Maxamed Xassan ayaa Jimcihii xarigga ka jaray furay xafiiska Hay’adda Mercy Corps ee Soomaaliya.

12/29/2018 2:48 AM EST
Sabti, December, 29, 2018 (HOL) - Labo askari oo ka tirsan ciidanka amniga Puntland ayaa xalay lagu dilay magaalada Boosaaso,sida laga soo xigtay saraakiisha deegaanka.

12/29/2018 2:41 AM EST
Sabti, December, 29, 2018 (HOL) - Eritrea ayaa xirtay qayb ahaan labo meel oo loogaga gudbo xadka dalka Itoobiya, kuwaas oo la furay sannadkan markii ay labada dal ay heshiis nabadeed gaareen ayna dib u soo ceshteen xiriirkii diblumaasi, sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan dowladda Eritrea.

12/29/2018 2:02 AM EST
Sabti, December, 29, 2018 (HOL) - Musharrax Siciid Cabdullaahi Deni oo ah Musharrax u taagan Xilka Madaxweynaha Puntland 8-da Jannaayo 2019ka ahna Musharraxa ayaa magaalada Garoowe Ku soo bandhigay Daah-furka Barnaamijkiisa Siyaasadeed oo ku hoggaamin doono Puntland 2019ka illaa 2023ka,haddii uu xilka ku guuleysto.

12/29/2018 1:36 AM EST
Sabti, December, 29, 2018 (HOL) - Inan da’ yar oo reer Alberta - Canada ah ayaa adduunyada kusoo kordhisay hab cusub oo dhagaxa qaaliga ah ee dheemmanka loo soo dhiraandhiriyo taasoo markii hore ay dhici jirtey in dheemmanku uu burburo inta hawsha soo-saaritsa lugu guda jiro

12/29/2018 1:00 AM EST
Sabti, December, 29, 2018 (HOL)-Maxkamada ciidamada qalabka sida ay toogasho ku fulisay fagaaro ku yaala magaalada Baydhabo nin dhalinyaro ah oo ka tirsanaa Ururka Al-shabaab horey dil ugu geystay Sh Madeer Madgaab Caliyow 15-6-2017-kii.