3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 29, 2018
Ardayad Somali-Canada ah oo Daahfurtay hannaan cusub oo dheemanka loo soo saaro


 

Sabti, December, 29, 2018 (HOL) - Inan da’ yar oo reer Alberta - Canada ah ayaa adduunyada kusoo kordhisay hab cusub oo dhagaxa qaaliga ah ee dheemmanka loo soo dhiraandhiriyo taasoo markii hore ay dhici jirtey in dheemmanku uu burburo inta hawsha soo-saaritsa lugu guda jiro. 

Xamdi Cali oo ah 17 sano jir, kana mid ah barnaamij Jaamacadda Alberta ay ugu magac dartay WISEST oo ay jaamacaddu ugu talogasahay in lugu dhiirri-geliyo sidii ay hablahu u noqon lahaayeen kuwo daahfura aqoon dahsoon oo ku wajahan laamaha culuunta ee kala duwan.

“ Waxa Xamdi ay bannaanka usoo saartay waa wax run ahaan aan looga horayn oo lama filaan ah,” Xamdi Cali,  la-taliyeheeda, Margi Regier, ayaa sidaasi u sheegtay war-tebiyayaasha CTV Edmonton.

“Runtii waxba kama aqoon climiga joolojiyada,” Xamdi ayaa wariyayaasha la wadaagtey. “ Sidaas awgeed waan ka yar boodey markii u horreysey ee aan arkay aaladda aan ku shaqayn doono ee SELFRAG”

Aaladdani, Xamdi waxa ay sheegtay iyada oo hadalkeeda sii wadata, “ waa mid danab koronto oo aad u sarreysa wax ku kala daadisa, tanoo ka dhigaysa aaladda mid farsamo sare huwan, laakiin sidoo kale taas macnaheedu waxa uu iigu muuqday in ay ciribtir ku samayn karto dhagxaanta iyadoo adeegsanaysa xoog danab oo ah ilaa 200, 000 halbeegga voltage ka ee korontada lu cabbiro”

 

Haddaba Xamdi waxaa islamarkiiba u muuqatay halabuur cusub oo ah, in haddii qaab gooni ah loo adeegsado aaladdan ay suurtoobi karto in lugu badbaadin karo dheemman qaababkii hore gurashada lugu waayi jirey oo halkaa ku baabi’i jirey. 

Si ay hindiseheeda u tijaabiso, waxa ay qaadday raajo ama X-ray laga qaadayo dhagaxa inta aan labo loo kala goyn si loo eego in dheemman ku jiro. Labadii qaybood mid waxaa lugu burburiyey qaababka caadiga ah, oo adeegsada biro qaab gariir ah u kala tuuraya dhagaxa kanoo sidii ay qiyaasaysey ciribtiray dheemankii ku jiray dhagaxaasi. Qaybtii labaadna Xamdi waxa ay adeegsatay SELFRAG oo dhagaxa ku ganaya danabkiisii sare, tanoo dhagaxii kala daadisay”

“ Qaabka labaad waxaa ka soo baxay toban dheemman ah” Sidanna waxaa xaqiijisay Regier. “ Waxaa halkaan laga fahmayaa in qaababka aan danabka adeegsan ee burburiya dhagaxu ay baabi’iyaan dheemmankii meesha laga heli lahaa, tanoo hoos u dhigaysa fursadaha in dheemmanku badbaado marka la guranayo”

Daahfur cilmiyeedkani waxa uu u gudbey in laga hor jeediyo khuburo hawlahaan ka shaqaysta.

“ Waxa aan hawshan ka horjeediyey madal dad badani soo xaadireen.” Xamdi ayaa tibaaxday. “ Waan yar qajilay laakiin waxa ay ahayd mid heer sare ah”

 

Brad Jongkind, oo ah xeeldheere aqoonta dhagxaanta qaaliga ah,  lehna meherad lugu iibiyo majowharaadka  ayaa  sheegay in daahfurka Xamdi uu gaari karo heer ah “ in gole kasta laga barto” gaar ahaan adduunyada dheemmanka ka ganacsata. Jaamacadda Alberta ayaa iyana u han weyn Xamdi in ay noqoto mid horseedda in gabdhaha la da’da ahi ay cilmi baadhista daba gal ku sameeyaan.  

“ Uma baahnid PhD in aad cilmi baadhis dhaxal-reeb leh aad samayso” Regier ayaa hoosta ka xarriiqday. “ Waxa kaliya ee aad u baahan tahay waa hal-abuur iyo fikrad cusub, iyo dadaal aad ku dabagasho ilaa ay dhab noqoto.”

 

Yeelkeede,  inantan da’da yare ee Xamdi Cali weli mustaqbalkeeda bir kuma ay gooyn, laakiin cilmiga Jooloojiyada ayaa noqonaya mid liiska doorashooyinkeeda soo galay.

“ Waa ku farax-sanahay ka baaraandegga meeshii aan halkan uga dhaqaaqi lahaa,”  Xamdi oo hadalkeeda soo af-meereysa waxa ay tiri,  “ weli dugsi sare dhameyntiis baaba ii dhimman.”













Click here
12/29/2018 2:01 PM EST
Sabti, December, 29, 2018 (HOL)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta xafiiskiisa waxaa ku booqday qaar ka mid ah carruurtii uu ka geeriyooday Alle ha u naxariisteen Wariye Cawil Daahir Salaad oo 22-kii bishan ku geeriyooday Qarax Al-Shabaab ka geysteen magaalada Muqdisho.

12/29/2018 10:51 AM EST
Sabti, December, 29, 2018 (HOL)- Kulanka guud ee mudanayaasha golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa maanta looga hadlay hal ajende oo ahaa Warbixinta iyo ka doodista Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2019-ka

12/29/2018 8:21 AM EST
Sabti, December, 29, 2018 (HOL)- In ka badan 20 ruux ayaa ku dhimatay dagaal culus oo maanta deegaanka Goofguduud ee gobolka Baay ku dhaxmaray ciidamada maamulka Koonfur Galbeed iyo Al-shabaab.

12/29/2018 6:52 AM EST
Sabti, December, 29, 2018 (HOL)- Xildhibaanadda Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta ansixiyey odoroska miisaaniyadii qaranka ee 2019-ka, waxaanay ka kooban tahay lacag dhan: 2,334,320,463, 251 (Laba tiriliyan, saddex boqol Afar iyo soddon Bilyan, saddex boqol iyo labaatan milyan, Afar boqol iyo saddex iyo lixdan kun, laba boqol iyo kow iyo konton) Somaliland shilling oo u dhigma 420 milyan oo dollar.

12/29/2018 6:24 AM EST
Sabti, December, 29, 2018 (HOL)-Guddoomiyaha Maxkamada Sare Soomaaliya Baashi Yuusuf Axmed ayaa wax aan loo dul qaadan karin ku tilmaamay in dadka shacabka ee ku dhaqan deegaannada ay dowladdu maamusho Garsoor u doontaan Maxkamadaha Al-shabaab.

12/29/2018 4:15 AM EST
Sabti, December, 29, 2018 (HOL) - Guddiga amniga doorashada Puntland oo Garoowe ku shiray ayaa ka hadlay arrimo ku saabsan adkaynta iyo xoojinta amniga , si baa la yiri looga hortago wax kasta oo carqalad iyo amni darro keeni kara xilliga doorashada Baarlamaanka iyo madaxweynaha.

12/29/2018 3:41 AM EST
Sabti, December, 29, 2018 (HOL) - Toban sanno ayaa laga jooga markii maanta oo kale madaxweynihii dowladda kumeelgaarka ahayd ee Soomaaliya, Cabdullaahi Yuusuf Axmed is-casilaaddiisa kaga dhawaaqay Baarlamaanka hortiisa.

12/29/2018 2:56 AM EST
Sabti, December, 29, 2018 (HOL) - Wasiirka Qorsheynta Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Jamal Maxamed Xassan ayaa Jimcihii xarigga ka jaray furay xafiiska Hay’adda Mercy Corps ee Soomaaliya.

12/29/2018 2:48 AM EST
Sabti, December, 29, 2018 (HOL) - Labo askari oo ka tirsan ciidanka amniga Puntland ayaa xalay lagu dilay magaalada Boosaaso,sida laga soo xigtay saraakiisha deegaanka.

12/29/2018 2:41 AM EST
Sabti, December, 29, 2018 (HOL) - Eritrea ayaa xirtay qayb ahaan labo meel oo loogaga gudbo xadka dalka Itoobiya, kuwaas oo la furay sannadkan markii ay labada dal ay heshiis nabadeed gaareen ayna dib u soo ceshteen xiriirkii diblumaasi, sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan dowladda Eritrea.

12/29/2018 2:18 AM EST
Sabti, December, 29, 2018 (HOL) - Xildhibaannada Baarlamaanka federaalka ayaa maanta kulan ku leh xarunta golaha shacabka, kaddib 25 maalin oo Baarlamaanka uusan wax kulan ah yeelan , sababo la xiriira khilaaf hareeyay Guddoonka Baarlamaanka.

12/29/2018 2:02 AM EST
Sabti, December, 29, 2018 (HOL) - Musharrax Siciid Cabdullaahi Deni oo ah Musharrax u taagan Xilka Madaxweynaha Puntland 8-da Jannaayo 2019ka ahna Musharraxa ayaa magaalada Garoowe Ku soo bandhigay Daah-furka Barnaamijkiisa Siyaasadeed oo ku hoggaamin doono Puntland 2019ka illaa 2023ka,haddii uu xilka ku guuleysto.

12/29/2018 1:00 AM EST
Sabti, December, 29, 2018 (HOL)-Maxkamada ciidamada qalabka sida ay toogasho ku fulisay fagaaro ku yaala magaalada Baydhabo nin dhalinyaro ah oo ka tirsanaa Ururka Al-shabaab horey dil ugu geystay Sh Madeer Madgaab Caliyow 15-6-2017-kii.