4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 29, 2018
Maxkammadda ciidamada qalabka sida oo dil toogasho ah fulisay

 

Sabti, December, 29, 2018 (HOL)- Maxkamada ciidamada qalabka sida ay toogasho ku fulisay fagaaro ku yaala magaalada Baydhabo nin dhalinyaro ah oo ka tirsanaa Ururka Al-shabaab horey dil ugu geystay Sh Madeer Madgaab Caliyow 15-6-2017-kii.

Ninkan oo lagu magacaabo Maxamed Aadan Cali Barrow ayaa bartamihii bishii June ee sanadkii hore Masaajidkan oo ku yaala xaafadda Towfiiq ku dilay Sheekh Maxamed Deyr, oo si weyn looga garanaayay magaalada Baydhabo.

Goobta dilka toogashada uu ka dhacay, waxaa joogay Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida & Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida.

Labo maalin ka hor ayeey heyd markii sidan oo kale maxkamada ciidamada qalabka sida toogasho ugu fulisay magaalada Muqdisho shaqsi Al-shabaab u qaabilsanaa sahminta iyo qaraxyada la dhiggo goobaha dadku ku badan yahay iyo xarumaha dowladda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]