4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 28, 2018
Saddex Askari iyo qof rayid ah oo lagu dilay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose

 

Jimco, December, 28, 2018 (HOL)- Wararka naga soo gaaraya gobolka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in rag hubeysan toogasho ku dileen afar askari oo ka tirsana ciidamada dowladda Soomaaliya iyo qof dumar ah oo ka tirsaneyd dadka degmada

Goobjoogayaal ayaa sheegay in saddexda Askari ee la dilay waqtigaa ku howlanaayeen Uruurinta canshuurta laga qaado ganacsatada degmada halka qofka kale ee dhintay aheyd qof dumar ah oo xaamillo ah.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha amniga degmada Afgooye iyo guud ahaanba maamulka gobolka, hasse ahaatee dadka deegaanka ayaa sheegay in kooxdii dilka geystay goobta isaga baxsadeen.

Afgooye ayaa ka mid ah meelaha ugu darran oo ay ka dhacaan dilalka, qaraxyada iyo weerarrada ka dhanka ah ciidamada dowladda iyo kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]