3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 28, 2018
Faah faahin ku saabsan Qarax ka dhacay magaalada Beledweyne

 

Jimco, December, 28, 2018 (HOL)- Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxay Qarax la dhigay ilinka hore ee guriga guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cumar Aadan Ibraahim Baadiyoow ee magaalada Beledweyne gaar ahaan xaafadda Kooshin.

Qarax ayaa ahaa nuuca miinada laga hago ramuudka oo la dhigay guriga Iridiisa laga soo galo, waxaana uu dhaawac halis ah ka soo gaaray qof Dumar ah.

Sidoo kale qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa bur bur u geystay gaadiid ku jiray gudaha guriga madaama uu ahaa qaraxu mid aad u xogan.

 

Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay inay ka dambeysay qaraxa hase yeeshee ciidamada ammaanka ee gobolka Hiiraan ayaa wada baaritaano ay ku doonayaan inay ku helaan dadkii ka dambeeyeen qaraxan.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Baladwyene ayaa gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay,hayeeshee waxa hataan socda baaritaano ay wadaan Ciidamada Booliska Baladweyne

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
12/28/2018 12:37 PM EST
Jimco, December, 28, 2018 (HOL)- Wararka naga soo gaaraya gobolka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in rag hubeysan toogasho ku dileen afar askari oo ka tirsana ciidamada dowladda Soomaaliya iyo qof dumar ah oo ka tirsaneyd dadka degmada

12/28/2018 2:37 AM EST
Jimco, December, 28, 2018 (HOL) – Taliyaha Ciidanka Xoogga Soomaaliya ,S/gaas Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe) ayaa isbeddal ku sameeyay Saraakiisha Talisyada qeybaha Ciidanka Xoogga ee gobollada Dalka Soomaaliya.

12/28/2018 2:17 AM EST
Jimco, December, 28, 2018 (HOL) – Ciidanka amniga Puntland ayaa baaritaanno joogta ah ka wada magaalada xarunta ah ee Garoowe.

12/28/2018 1:48 AM EST
Jimco, December, 28, 2018 (HOL) – Musharraxa madaxweynaha dowladda Puntland Cali Cabdi Awaare, ayaa Khamiistii shalay magaalada Garoowe ku qabtay kulan uu kusoo bandhigayay barnaamijkiisa siyaasadeed haddii uu ku guulaysto xilka madaxtinimada Puntland ee doorashada 2019ka.

12/28/2018 12:20 AM EST
Jimco, December, 28, 2018 (HOL)–Michelle Obama Marwadii koobaad ee hore ee waddanka Mareykanka ayaa noqotay Haweeneyda loogu qadarinta badan dalka Mareykanka.

12/28/2018 12:08 AM EST
Jimco, December, 28, 2018 (HOL) –Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in Al-Shabaab shalay gubeen guryo ku yaalla tuulada Ceel Muluq oo u dhow degmada Cadalle, isla markaana ay kaxaysteen dad degaanka deggan.