4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 28, 2018
Taliska qeybaha Ciidanka Xoogga Soomaaliya oo isbeddel lagu sameeyay

Jimco, December, 28, 2018 (HOL) –  Taliyaha  Ciidanka Xoogga Soomaaliya ,S/gaas Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe) ayaa isbeddal ku sameeyay Saraakiisha Talisyada qeybaha Ciidanka Xoogga ee gobollada Soomaaliya.

Jen. Daahir Aadan Cilmi, ayaa S/guuto Tawane Axmed Maxamed, u Magacaabay Taliyaha Qeybta 12-ka April ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Abbaanduulaha Qeybta 12-ka April ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa loo Magacaabay ,G/sare , C/salaam Aaden Axmed.

Waxaa sidoo kale, wareegtada kasoo baxday Xafiiska Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed xilalka looga qaaday Taliyeyaasha qeybaha 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka qeybta 60-aad, qeybta 21-aad iyo qeybta 54-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Wareegtadan ayaa sidoo kale waxaa lagu Magacabay Taliyeyaasha qeybaha 27-aad 60-aad, 21-aad iyo 54-aad ee Ciidanka Xoogga dalka.

Akhri wareegtada;

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]