4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 28, 2018
Amniga magaalada Garoowe oo la adkeeyay

Jimco, December, 28, 2018 (HOL) –  Ciidanka amniga Puntland ayaa baaritaanno joogta ah ka wada magaalada xarunta ah ee Garoowe.

Ciidanka ayaa baaraya gaadiidka,iyadoo waddooyinka qaar lagu arkayay habeennadii u dambeeyay ciidammo ku sugan, kuwaas oo bacaha madow gaadiidka ka fiiqaya,kana baaraya hub.

Howlgalka ayaa saraakiisha waxaa ay ku sheegeen in xarunta Puntland ay isku diyaarinayso doorashada guud ee billowga bisha Jannaayo, xilliga oo Baarlamaanka ay dooran doonan guddoomiye, kaddibna ay u codeyn doonan madaxweynaha cusub iyo ku-xigeenkiisa.

Ololaha doorashada ayaa hadda u muuqda inay xooggeysteen, tan iyo markii uu shaaciyay inuu mar kale tartamayo madaxweynaha xilka haya ee Cabdiweli Gaas oo khamiistii ku soo laabtay Garoowe.

Doorashada oo la qorsheeyay inay dhacdo siddeeda bisha Jannaayo ee sannadka 2019ka, ayaa waxaa ku tartamaya xilka madaxweynaha ku dhawaad soddon musharrax.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]