4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 28, 2018
Musharrax Awaare: Puntland waxay u baahantahay qof hagi kara oo aqoon uleh

Jimco, December, 28, 2018 (HOL) – Musharraxa madaxweynaha Puntland Cali Cabdi Awaare, ayaa Khamiistii shalay magaalada Garoowe ku qabtay kulan uu kusoo bandhigayay barnaamijkiisa siyaasadeed haddii uu ku guulaysto xilka madaxtinimada Puntland ee doorashada 2019ka.

Kulankaan waxaa kasoo qeyb galay bulshada qeybaheeda kala duwan oo ay ka dhex muuqdeen Isimada dhaqanka Puntland iyo siyaasiyiin xilalka kala duwan kasoo qabtay  Puntland ,sida madaxweyne ku xigeenkii hore ee  Puntland,  Cabdi Samad Cali Shire.

Musharrax Awaare ayaa sheegay Puntland inay u baahan tahay qof hagi kara oo aqoon uleh kanasoo bixi kara masuuliyada saddex milyan oo reer Puntland ah. kuwaas oo u hamuun qaba adeeg dowladnimo oo dhab ah.

Musharraxu waxaa uu sheegay inuu xoogga saari doono horumarinta adeegyada aas aasiga ah sida, amniga, waxbarashada, caafimaadka, wadooyinka iyo kaabayaasha horumarinta dhaqaalaha Puntland.

"Puntland aayaheedu mar danbe kama talindoono nin dambe oo baratooye ah oo dadka iyo deeganada uu maamulayo aan kala aqoonin,"  ayuu yiri musharrax Awaare.

Cali Cabdi Awaare, ayaa si aad ah u dhaliilay siyaasadda madaxweyne Gaas ku maamullayay Puntland shantii sanno ee lasoo dhaafay, isagoo sheegay inuu madaxweynuhu ku fashilmay hoggaamintii Puntland islamarkaana dadka reer Puntlandna aysan mar dambe diyaar u ahayn inay masiirkooda ku aaminaan cid aan horey loosoo tijaabin.

Guddoomiyihii hore ee gobolka Nugaal, Cumar Faraweyne, ayaa Cali Cabdi Awaare ku ammaanay inuu yahay hoggaamiye aan lahayn sumad qabiil islamarkaana kamid ah aas aasayaashii dhidibadda u taagay Puntland. Cumar waxaa kale oo musharaxa Awaare ku sifeeyay nin nabaddoon ah oo leh aragti hoggaamineed oo fog.

Isimaddii goobta ka hadlay ayaa dhankooda muujiyay in Cali Cabdi Awaare yahay shakhsi leh sifo hogaamineed, waxayna ugu duceeyeen hadduu kheyr ugu jiro inuu ilaaheey u fku guuleeyo xilkaan.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland, Jen. Cabdi Samad Cali Shire, oo kamid ahaa marti sharaftii kasoo qeyb galay bandhiga musharaxa ayaa qiray Puntland inay maanta u baahan tahay garwadeen daacad ah oo horay loo soo tijaabiyay, isagoo tilmaamay Cali Cabdi Awaare inuu leeyahay sifahaas oo idil. Jen, Cabdi Samad waxa uu sheegay si isbedel loo helo in loo baahan yahay xildhibaano garan kara hogaamiyaha saxda ah.

Siyaasi Awaare, ayaa markii saddexaad u tartamaya xlka madaxweynaha Puntland, isagoo ku guul daraystay labadii doorasho ee ugu dambeysay, laakiin waa musharax aan weli quusan.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]