Jimco, December, 28, 2018 (HOL) –Wararka ka
imanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in Al-Shabaab shalay gubeen guryo ku yaalla
tuulada Ceel Muluq oo u dhow degmada Cadalle, isla markaana ay kaxaysteen dad
degaanka deggan.
Wararku waxaa ay sheegayaan in Al-Shabaab ayaa
dadka degaanka ku eedeeyey inay gacan siiyaan maleeshiyada la magac baxday
Macawislayda ee iskood isku abaabulay si ay Al-Shabaab ula dagaalamaan.
Tallaabadaa ay qaadeen Al-shabaab kaddib waxaa
deegaanka ka dhacay dagaal culus oo dhaxmaray maleeshiyaadka deegaanka iyo
xoogagga Al-shabaab, sida uu warbaahinta u sheegay Axmed Xuurshoow oo ka mid ah
dhalinyarradda Macawisleyda ee isku abaabulay in ay la dagaalamaan Al-shabaab.
‘’Marka ay falkaa sameeyeen kaddib ayaa ku soo
baxnay halkaa dagaal culus ayaa nagu dhaxmaray, waxaan ka dilay 8 ruux oo ka
tirsanaa xoogaggooda’’ ayuu yiri Xuurshoow.
Ma jiro wali wax war ah oo ka soo baxay dhinaca
Al-shabaab oo ka hadlaya dagaalka dhaxmaray iyaga iyo dadka deegaanka iyo
eedeymaha loo jeediyay ee ah in ay gubeen guryo ay degenaayeen dad rayid ah.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]