3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 27, 2018
War-murtiyeed : Shirweynaha Qaran ee dhalinyarrada Soomaaliyeed oo Muqdisho ku soo dhamaaday

 

Khamiis, December, 27, 2018 (HOL)- Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya, Marwo; Khadiijo Maxamed Diiriye, ayaa maanta soo xirtay shirweynaha Qaran ee Dhalinyarada Soomaaliyeed.

WARMURTIYEEDKA

SHIRWEYNAHA QARAN EE DHALINYARADDA (SANNADKA 2AAD)

Shirweyhanaha Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed sannadka 2aad wuxuu ka dhacay magaalada Muqdishu 26¬27 December 2018 waxaana isugu yimid ergooyin matalaaya dhallinyarada Soomaaliyeed oo ka kala yimid dhammaan Gobolada Dalka (Ergada Dhallinyarada Dowlad Goboleedyada, Ergada Dhallinyarada Gobolka Banaadir, Ergada Dhallinyarada Beelaha Gobolada Waqooyi, Ergada Dhallinyarada Baahiyaha gaarka ah qaba, Ergada Dhallinyarada Beelaha laga tirada badan yahay iyo Qaar ka mid ah Ergada Ururada iyo Daladaha Madaxa banaan).

Ujeedooyinka Shirka:

Ujeedooyinka shirku waxay ahayd inuu noqdo madal ay dhallinyarada Soomaaliyeed ku soo bandhigaan aragtidooda, ugana tashadaan aayahooda.

In fursad loo siiyo dhallinyarada ka qeybgalka Siyaasadda Dalka, taasoo ah halkudhigga shirka ee ka qeybgalka Siyaasadda Dalka oo ah (Kaqeybgalka Dhallinyarada Siyaasadda Dalka).

In la xoojiyo isdhexgalka dhallinyarada

In la muujiyo kartida iyo awooda dhallinyaradeena

In la helo ra’yiga iyo fikradaha dhallinyarada ee ifinaaya mustaqbalka aayahooda.

In dhallinyarada lagu dhiira geliyo wadaniyadda iyo wada jirka oo kaliya in lagu gaari karo dal nabad ah, nolol barwaaqo ah, iyo nolol horumarsan.

DHALINYARADDA IYO HOGAAMINTA

Dhaqangelinta Siyaasada Qaran ee Dhallinyarada iyo doorka dib u eegista Dastuurka.

In dhallinyaradda laga qeybgaliyo hoggaanka iyo haggida dalka iyagoo talo ku yeelanaya cida la dooranayo iyo cida wax dooraneysa.

In Dastuurka Soomaaliya lagu cadeeyo xuquuqaha dhallinyarada

In la abuuro Gole Dhallinyaro Qaran oo aan KMG aheyn si uu u noqdo meel ay hoggaamiyayaasha dhallinyarada ku sameysmaan kuna bartaan hoggaaminta wanaagsan, looguna ol-oleeyo danaha dhallinyaradda Soomaaliyeed.

In ay dhallinyaradu barato taariikhda Dalka Soomaaliyeed, si ay wax uga bartaan isagana jiraan khaladaadkii hore usoo dhacay.

WAXBARASHADA

In la helo Siyaasad Qaran ee Waxbarashada Dalka doorka ay dhallinyarada ku leeyihiin oo si cad uga dhex muuqda.

In la helo waxbarasho bilaash ah oo loo simanyahay, ayadoo muhiimad gaar ah lasiinayo gabdhaha iyo da’yarta iyo Dhallinyarada Baahiyaha gaarka ah qaba.

In la xoojiyo korna loo qaado afka hooyo laguna dhiiri galiyo dhallinyarada ku hadalkiisa iyo qoristiisa (May iyo Maxaa Tiri).

In la hirgaliyo maktabada qaranka dhallinyaradana ay qeyb libaax ah ka qaataan (Barnaamijka Qaran ee Isxilqaan) oo uu hormuudka ka yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

TAHRIIBKA

In dhallinyaradda loo abuuro xirfado ay ku shaqeystaan ayadoo lagu duulaayo Qorshe Howleedka Wasaaradda ee ku jira Tubta Arrimaha Bulshada ee Golaha Wasiirada Xukuumadda Mudane Xassan Cali Kheyre

In la helo wacyigalin balaaran kuna saleysan nolasha dhibta leh oo ay la kulmaan dhallinyarada tahriibta, ayadoo loo adeegsanaayo Warbaahinta (Wecyigelin Diineed iyo Hal Abuurka Suugaanta Soomaalida).

AMNIGA

In ciidamada qaranka loo dhameystiro xuquuqdooda iyo musharaadkooda mar walba, dhallinyaradana ay qeyb ka qaataan Qorshaha Xasilinta Amniga guud ahaan Dalka gaar ahaan Amniga Caasimadda Muqdisha.

In la helo lambar lagala xiriiro laamaha nabadgalyada gaar ahaan Caasimadda si ay dhallinyarada usoo gudbiyaan qataraha Amni dadka ku howlan ee deegaanada xaafadahooda ku nool.

SHAQO ABUURKA

In si cad uga muuqato Qorshaha horumarinta qaranka in dhallinyarada loo sameeyo shaqo abuur, laguna shaqo geliyo sida: Dhismayaasha guud, Dhismaha Wadooyinka isku xira Gobolada, Dekadaha iyo Garoomada Diyaaradaha, Garoomada Ciyaaraha Dalka, si ay gobolada uga helaan dhallinyarada fursad shaqo, taasoo noqoneysa fursad shaqo abuur dalka oo dhan ah.

In la dhiirigaliyo wax soosaarka dalka, ayadoo dowladda ay si gaar ah u dhaqaaleyneyso beeraleyda, kaluumeysatada, xoola dhaqatada, iyo warshadleyda, gaar ahaan dhallinyarada xirfadahaas ku shaqeeysta.

In la hirgaliyo siyaasad soo jiidan karta maalgaliyayaasha shisheeye iyo Ganacsatada Soomaaliyeed, taasoo dhallinyarada u abuuri karta fursado shaqo.

In laxoojiyo sharciga shaqada iyo shaqaaleysiinta iyo darajooyinka (grade-ka) maadaama ay da’yarteenu illaa heer Jaamacadeed aqoontooda gaarsiisan tahay.

SAAMEYNTA WARBAAHINTA EE DHALLINYARADA

In Warbaahinta kaalintooda ka qaataan wacyigelinta, waxbarida iyo wax ogeysiinta Dhallinyarada.

In Milkiiyasha Warbaahinta daka ay sare u qaadaan xirfadaha wariyayaasha dhalinta yar ayaga oo siinaya tababaro iyo waxbarasho warbaahineed si ay u ogaadaan waxa ay tabinayaan iyo meelaha ay ka tabinayaan (Gabdhaha iyo Wiilasha)

In marwalba la adkeeyo lana hubiyo Madax Banaanida Warbaahinta iyada oo la dhowrayo sharciga Saxaafadda.

GUNAANAD BAAQ NABADEED

Shirweynuhu Wuxuu Baaq nabadeed u dirayaa Deegaanada ay kasoo cusboonaadeen colaadaha ay nabad ku badashtaan si dhallinyarada aan looga dhigan xaabada dabka lagu shido.

Shirweynuhu wuxuu hambalyo u dirayaa Guddoomiyaha Dalada Dhallinyarada Bayaan ee Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Aweys Axmed Sardheeye oo uu noqday Xildhibaan ka mid ah Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Puntland.

Shirweynuhu wuxuu u mahadcelinayaa Madaxda Dowlada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya guud ahaan, Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Xukuumadda JFS, Golaha Dhallinyarada Qaranka ee KMG ah oo lahaa qabanqaabada Shirweynaha Qaran Sanadka 2aad oo ka dhashay kormeerkii ay kusoo mareen Sanadkan 2018-ka Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir iyo Latashiyadii ay la sameeyeen Qeybaha kala duwan ee Dhallinyarada Soomaaliyeed ee Ergooyin matalaaya ay xaadir ku yihiin Shirweynaha 2aad ee Dhallinyarada Qaranka.

Shirweynuhu wuxuu si gaar ah ugu mahadcelinayaa Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Xildhibaan Khadiija Maxamed Diiriye dawrkeeda hogaamineed ee isku dubaridida iyo isku xirka barnaamijyada horumarinta Dhallinyarada iyo horumarinta Isboortiga gaar ahaan Dhallinyarada oo ay marwalba si hagar la’aan ugu howlgaleysay.

Shirweynuhu wuxuu u mahadcelinayaa Xildhibaanadii, Wasaaradihii, Culumaa’udiinkii iyo Marti Sharaftii kulankaan kasoo jeedisay hadalo iyo talooyin muhiim u ah mustaqbalka iyo aayaha dhallinyarada Soomaaliyeed.

Shirweynaha wuxuu u mahadcelinayaa hey’adihii Qaramada Midoobay gacanta ka geystay kormeerka Golaha Dhallinyarada Qaran ee KMG ah oo ay kusoo mareen Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir latashiyadii ay kala sameeyeen qeybaha kala duwan ee dhallinyarada, iyo Shirweynaha Qaran ee Dhallinyarada Sanadka 2aad.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

                                                                                         















Click here
12/27/2018 11:21 AM EST
Khamiis, December, 27, 2018 (HOL)- Boqorka Sacuudiga Salmaan Bin Cabdalla ayaa maanta isku shaandheyn uu ku sameeyay golihiisa wasiirrada waxaa xilkii looga baddalay mid ka mid ah xubnihii ugu caansanaa uguna awoodda badnaa xukuumadda.

12/27/2018 8:15 AM EST
Khamiis, December, 27, 2018 (HOL)- Labanin oo hubaysan oo saaka dadku laayey galbeedka magaalada Laascaanood ayaa ciidanka Boolisku ku guulaysteen in ay gacanta ku soo dhigaan.

12/27/2018 6:13 AM EST
Khamiis, December, 27, 2018 (HOL)-Qarax gaari lagu xiray ayaa goor dhow ka dhacay Xaafada 1 Maajo degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho, iyadoo hal qof uu ku dhaawacmay.

12/27/2018 5:55 AM EST
Khamiis, December, 27, 2018 (HOL)-Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta kulan deg deg ah la qaatay Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka BFS, maalin ka hor dib u habeyn lagu sameeyay.

12/27/2018 3:45 AM EST
Khamiis, December, 27, 2018 (HOL)-Wasaarradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa si buuxda ula wareegtay maamulka Isbitaalka Hooyada iyo Dhalaanka ee Banaadir, waxaana wasaarada isbitaalkan u magacawday maamul cusub.

12/27/2018 2:44 AM EST
Khamiis, December, 27, 2018 (HOL)-Ku-xigeenka Madaxa Ciidanka Midowga Afrika iyo Saraakiil kale ayaa booqday bukaanno kala duwan oo ku jira Isbitaalka AMISOM ee Muqdisho.

12/27/2018 12:39 AM EST
Khamiis, December, 27, 2018 (HOL)- In ka badan 10 ruux oo ay ka mid ahaayeen Carruur iyo Haween ayaa ku dhintay dagaal culus oo maalintii shalay deegaanka lagu magacaabo Kaxandhaale oo dhaca xadka gobolka Galguduud iyo Ismaamulka Soomaalida ku dhaxmaray labo maleeshiyo beelleed.

12/27/2018 12:07 AM EST
Khamiis, December, 27, 2018 (HOL)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo haweeneyda koobaad Melania Trump ayaa booqasho aanan la shaacin waxa ay ugu tageen ciidammada Mareykanka ee ku sugan waddanka Ciraaq.