4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 27, 2018
Ciidanka Booliska oo Gacanta ku dhigay rag saakay dad ku laayey Magaalada Laascaanood

 

Khamiis, December, 27, 2018 (HOL)- Labanin oo hubaysan oo saaka dadku laayey galbeedka magaalada Laascaanood ayaa ciidanka Boolisku ku guulaysteen in ay gacanta ku soo dhigaan.

Dablaydan ayaa rasaas aan loo miidaan deyin ku furay maqaaxi ku taala seylada geela oo ku taala K/galbeed magaalada Laascaanood, halkaas oo nin ku dhintay sadex kalena ay ku dhaawacmeen oo haatan isbitaalada lagu daaweynayo.

Saraakiisha ciidanka Booliska ayaa u xaqiijiyey in denbiilayaasha ay ka soo qabteen galbeedka magaalada oo ay isku deyayeen in ka baxsadaan, walow ay iska cabin kala kulmeen waxaa lagu guulaystey in gacanta lagu dhigo labanin iyo hubkoodiiba.

Dhacdadan ayaa la sheegayaa in ka dhalatay khilaaf dhul oo sabab ay in khasaarahan uu ka dhoco.

Falka noocan ah ayaa ah Kii labaad ee todobaadkan ka dhaca magaalada Laascaanood iyadoo labadaba ay ciidamadu ku guulaystaan gacan ku dhigida dadkii falalka geystey.

Seynab Cabdi Warsame

[email protected]

Laascaanood G.Sool