4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 27, 2018
Qarax gaari lagu soo xiray oo ka dhacay magaalada Muqdisho

 

Khamiis, December, 27, 2018 (HOL)-Qarax gaari lagu xiray ayaa goor dhow ka dhacay Xaafada 1 Maajo degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho, iyadoo hal qof uu ku dhaawacmay.

Gaariga qaraxa lagu xiray ayaa ahaa gaadiidka yar ee loo yaqaano raaxada, waxaa ku dhaawacmay darawlkii watay oo kaliya sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah oo goobta ku sugnaa

Waxaa uu warku intaa ku darayaa in qaraxa uu ku dhaawacmay nin  magaciisa lagu soo gaabiyay Cusmaan Dheere oo la sheegay in uu ka mid yahay shaqaallaha dowladda.

Inta badan Qarax-yada gaadiidka lagu xiro ayaa lagu bartilmaameedsadaa  saraakiisha, shaqaalaha dowladda iyo wariyeyaasha, waxay ka mid yihiin  hababka dadka lagu qaarijiyo ee ka baxsan toogashada.

Dhawaan ayeey aheyd markii magaalada Muqdisho ay ka dhaceen qaraxyo mataanno ah oo galaaftay nolasha in ka badan 30 ruux oo isugu jiray askar ka tirsan ciidamada dowladda iyo dad rayid ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]