4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 27, 2018
Wasiirka Maaliyadda oo la kulmay guddiga cusub ee Maaliyada Golaha Shacabka

 

Khamiis, December, 27, 2018 (HOL)-Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta kulan deg deg ah la qaatay Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka BFS, maalin ka hor  dib u habeyn lagu sameeyay.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Guddiyada ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa shir Guddoominayay Maxamuud Siraaji oo Shalay loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka Soomaaliya.

Si rasmi ah looma oga waxyaabaha ay kawada hadleen, ha yeeshee wasiir Beyle ayaa bartiisa Facebook ku soo qoray

“Waxaan maanta kulan looga hadlayo dar-dargelinta Howlaha Maaliyadda  la yeelanay Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka Soomaaliya, waxa uuna  ku soo dhamaaday Guul iyo isfaham”

Toddobaadyadii ugu danbeeyay ayaa waxaa jiray buuq ka dhax oognaa  Guddiga Maaliyadda iyo Wasaaradda maaliyadda Soomaaliya arintaas oo  sababtay in muddo ka badan bil aysan qabsoomin fadhiyadii Baarlamaanka  Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]