4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 27, 2018
Saraakiil ka tirsan midowga Africa oo booqday Isbitaalka AMISOM

 

Khamiis, December, 27, 2018 (HOL)-Ku-xigeenka Madaxa Ciidanka Midowga Afrika iyo Saraakiil kale ayaa booqday bukaanno kala duwan oo ku jira Isbitaalka AMISOM ee Muqdisho.

Booqashada ayaa sidoo kale waxaa qayb ka ahaa taliyaha Ciidanka  howl-galka AMISOM, Jenaraal, Kitila Bulti Tadesse iyo Jenaraal,  Michael Kabango, oo ka mid ah Saraakiisha sar-sare ee Ciidanka Midowga  Afrika.

Bukaannada ayaa isugu jira, Askar qabta dhaawacyo kala duwan iyo Dad rayid ah oo lagu dabiibayo halkaasi, iyadoo la guddoonsiiyay Raashiin fudud oo nafaqaysan iyo waxyaabo kale oo looga tala galay inay isticmaalaan inta ay Isbitaalka ku jiraan.

Qaybta Labaad ee Isbitaalka AMISOM oo looga tala galay shaqaalaha howl-galka Midowga Afrika, ayaa sidoo kale lagu qaabbilaa Ciidamada iyo Shacabka Soomaaliyeed ee u baahan adeegyada caafimaad.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]