3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 27, 2018
Trump oo booqday ciidamada Mareykanka ee ku sugan dalka Ciraaq

 

Khamiis, December, 27, 2018 (HOL)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo haweeneyda koobaad Melania Trump ayaa booqasho aanan la shaacin waxa ay ugu tageen ciidammada Mareykanka ee ku sugan waddanka Ciraaq.

Waxa ay halkaas u safrene "xilli dambe habeenkii loo dabaaldegaayay Kirismas-ka" si ay ciidammada uga mahadceliyaan "adeegooda, guushooda iyo sida ay naftooda u hurayaan", Aqalka Cad ayaa sidaasi sheegay.

Mr Trump ayaa sheegay in Mareykanku uusan qorshaynayn in uu isaga baxo waddanka Ciraaq.

Safarkan ayaa yimid maalma un kaddib markii uu iscasilay wasiirka Gaashaandhigga ee Mareykanka Jim Mattis kaas oo xilkiisa ka tegay markii ay madaxweyne Trump isku maandhaafeen istiraatiijiyaddiisa gobolka.

Mareykanka weli waxaa dalka Ciraaq ka jooga ilaa iyo 5,000 oo askari oo dowladda dalkaasi ka taageera dagaalka ay kula jirto haraadiga ururka la baxay Dowladda Islaamiga ah.

Sikastaba xaalku ha ahaadee, waxaa la baajiyay kulan la qorsheeyay inuu dhexmaro Mr Trump iyo Ra'iisul Wasaaraha Ciraaq Caadil Cabdul Mahdi. Xafiiska Mr Mahdi ayaa sheegay in arrintaasi ay timid kaddib markii la isku afgaran waayay sida shirka loo qabanayo. Kulanka badelkiisana waxa ay labada hogaamiye kuwada hadleen khadka taleefanka, saraakiisha ayaa intaasi raaciyay.

Booqashada Mr Trump ayaa waxa ay qaadatay ilaa iyo saddex saacadood. Markii uu Mareykanka dib ugu laabanayayna waxa uu ku yara hakaday saldhigga ciidammada cirka ee Ramstein ee dalka Jarmalka, halkaas oo uu kula kulmay ciidammo badan oo Mareykan ah.

Mr Trump, xaaskiisa iyo Lataliyihiisa Arrimaha Ammaanka John Bolton ayaa tegay saldhigga cirka ee Al-Asad ee galbeedka magaalada caasimadda u ah dalka Ciraaq ee Baqdaad, si ay halkaas ugula kulmaan ciidammada Mareykanka ee jooga.

Waxa ay aheyd booqashadii ugu horraysay ee uu Trump gobolka ku tego.

Inta ay booqashada socotay waxaa Trump si wanaagsan u soo dhaweeyay ciidammada oo u istaagay markii uu soo galay hoolka lagu cunteeyo, Trump-na waxa uu gacan qaaday askarta, oo qaarkood ayuuba sawirro la galay.

Madaxweyne Trump waxa uu sheegay in sababta uu saldhiggiisa u booqday ay aheyd inuu askarta Mareykanka uga mahadceliyo sida ay gacanta uga gaysteen in laga adkaado ururka la baxay Dowladda Islaamiga ah, waxa uuna intaasi ku daray: "Laba sanadood ka hor markii aan noqday Madaxweynaha kooxdu waxa ay aheyd koox xoog badan, maantase awood ma ay laha. Shaqo wanaagsan ayaad qabateen.

"Qaran ahaan markale ayaa nala ixtiraamaa."

Mr Trump waxa uu sheegay in Mareykanka uu Ciraaq u adeegsan karo saldhig wax laga weerari karo haddii "aannu doonayno inaannu wax ka sameyno gudaha Suuriya", waxaa sidaasi ku warramayso wakaallada wararka ee Reuters.

Inta ay socotay booqashada waxa uu difaacay go'aankiisa uu ciidammada Mareykanka uga saarayo waddanka Suuriya isagoo yiri: "Bilowgiiba waan qeexay in howlgalkayaga gudaha Suuriya uu ahaa inaannu burburino goobaha ay ku xooggan yihiin Daacish.

"Sideed sanadood ka hor, waxaannu halkaa u tegnay inaannu joogno saddex bilood mana aynaan ka soo bixin. Haatan, sida saxda ah ayaannu sameynay wanaan soo gebagabaynaynaa arrintaasi."

Xigasho BBC 













Click here
12/27/2018 11:21 AM EST
Khamiis, December, 27, 2018 (HOL)- Boqorka Sacuudiga Salmaan Bin Cabdalla ayaa maanta isku shaandheyn uu ku sameeyay golihiisa wasiirrada waxaa xilkii looga baddalay mid ka mid ah xubnihii ugu caansanaa uguna awoodda badnaa xukuumadda.

12/27/2018 8:27 AM EST
Khamiis, December, 27, 2018 (HOL)- Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya, Marwo; Khadiijo Maxamed Diiriye, ayaa maanta soo xirtay shirweynaha Qaran ee Dhalinyarada Soomaaliyeed.

12/27/2018 8:15 AM EST
Khamiis, December, 27, 2018 (HOL)- Labanin oo hubaysan oo saaka dadku laayey galbeedka magaalada Laascaanood ayaa ciidanka Boolisku ku guulaysteen in ay gacanta ku soo dhigaan.

12/27/2018 6:13 AM EST
Khamiis, December, 27, 2018 (HOL)-Qarax gaari lagu xiray ayaa goor dhow ka dhacay Xaafada 1 Maajo degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho, iyadoo hal qof uu ku dhaawacmay.

12/27/2018 5:55 AM EST
Khamiis, December, 27, 2018 (HOL)-Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta kulan deg deg ah la qaatay Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka BFS, maalin ka hor dib u habeyn lagu sameeyay.

12/27/2018 3:45 AM EST
Khamiis, December, 27, 2018 (HOL)-Wasaarradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa si buuxda ula wareegtay maamulka Isbitaalka Hooyada iyo Dhalaanka ee Banaadir, waxaana wasaarada isbitaalkan u magacawday maamul cusub.

12/27/2018 2:44 AM EST
Khamiis, December, 27, 2018 (HOL)-Ku-xigeenka Madaxa Ciidanka Midowga Afrika iyo Saraakiil kale ayaa booqday bukaanno kala duwan oo ku jira Isbitaalka AMISOM ee Muqdisho.

12/27/2018 12:39 AM EST
Khamiis, December, 27, 2018 (HOL)- In ka badan 10 ruux oo ay ka mid ahaayeen Carruur iyo Haween ayaa ku dhintay dagaal culus oo maalintii shalay deegaanka lagu magacaabo Kaxandhaale oo dhaca xadka gobolka Galguduud iyo Ismaamulka Soomaalida ku dhaxmaray labo maleeshiyo beelleed.