4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 25, 2018
Xil wareejin ka dhacday degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan

 

Talaado, December, 25, 2018 (HOL)- Gudoomiyaha cusub Degmada Buula-burte Cabdicasiis Cabdullaahi Cabdi Duurow ayaa maanta si rasmi ah Xilka ula wareegay

Waxaa munaasabadaa Xil wareejinta goobjoog ka ahaa Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Hirshabelle, Wasiirka Qarsheynta, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Xanaanada xoolaha iyo Beeraha, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeele, Masuuliyiintii hore ee maamulka Degmada Buula-burte Saraakiil ka tirsan Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Federaalka, Odayaasha Dhaqanka, Ururada Haweenka iyo Dhalinyarada.

Xafladda Xil wareejinta waxaa ka hadlay Gudoomiyihii hore ee Degmada Buuloburte Cabdi Daahir Guure oo sheegay in uu soo dhaweynayo Maamulka cusub ee Dowlad Goboleedka Hirahabeelle u soo magacaawday degmada, isla markaana ay si wanaagsan ula shaqeyndoonaan.

Gudoomiayaha cusub ee Degmada Buula-burte Cabdicasiis Duurow ayaa oo ka hadlay Xafladda uu xilka kula wareegay ayaa xusay in uu ka shaaqeyndoono hormarinta kaabayasha dhaqaalaha Waxbarashada ,Caafimaadka iyo Amniga.

Wasiirka Wasaaradda arimaha gudaha ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa si rasmi ah xilka ugu wareejiyay Gudoomiyaha cusub ee Degmada Buuloburte, Waxaana uuna kula dardaarmay Xubnaha ka wada tirsan Maamulka degmada in ay si Wadajir ah ula shaqeeyaan Gudoomiyaha Cusub.

Xildhibaan Maxamed Bashiir Khaasim (Daqare) oo goobjoog ka ahaa Xafladda Xilwareejinta ayaa Sheegay in Maamulka Degmada Buulo-burte looga baahanyahay in si dhow ay ula Shaqeeyaan Bulshada Magaalada, waxaa uuna soo dhaweeyey sida wanaagsan ee ay u dhacaday Xilwareejinta qiimaha badneyd.

Xilwareejinta maanta oo aheyd mid si heersare loo soo agaasimay ayaa dhammaan dadkii ka hadlay waxa ay isku raceen in si Wanaagsan ay ula shaqeyndoonaan Gudoomiyaha Degmada Cabdicasiis Duuroow.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]