4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 25, 2018
Golaha wakiiladda Somaliland oo lix wasaaradood oo cashuuro kordhiyey ka saaray miisaaniyadda 2019-ka

 

Talaado, December, 25, 2018 (HOL)- Golaha Wakiiladda Somaliland, ayaa maanta guddo gallay doodda miisaaniyada Qaranka, waxaana golaha ka hor akhriyey guddidda dhaqaalaha oo sheegay inay miisaaniyada ka saareen lix wasaaradood oo cashuuro ay kordhiyeen ku soo daray miisaaniyadda.

Sidoo kale, guddida dhaqaaluhu waxay soo jeediyeen inay dabagal ku sameynayaan mashaariicdii ku jirtay sanadkii 2018-ka wixii fulay iyo wixii qabsoomi waayey, isla markaaan dalbaday in wasaaradda maaliyadu ku soo darto xisaab xidhka Miisaaniyada.

Lixdan wasaaradood ee goluhu ka saaray tacriifadaha cusub ee ay kordhiyeen waxa kamid ah wasaaradda Deegaanka iyo miyiga, wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta jidadka, wasaarada Boosta iyo isgaadhsiinta, wasaaradda warfaafinta iyo dhaqanka, wasaarada Kalluumaysiga iyo xanaanada xoolaha, iyo wasaarada biyaha.

“wasaaradaha waxa ugu jirta korodhsiimo badan, wax jirta in cashuuro faro badan ay wasaarado badan soo gudbiyeen, markii aanu eegnay waxay nala noqotay qaar qayral macquul ah, kuwaas waanu ka saarnay.”ayuu yidhi gudoomiyaha guddi hoosaadka dhaqaalaha ee golaha Wakiilada Cumar Sanweyne.

Cashuurahan la joojiyey waxa ku jiray xarumaha warbaahinta oo lacago badan lagu kordhiyey, waxaana Telefishanka laga qaadayey sanadkii shan iy toban kun oo dollar, halka jaraaa’idka iyo mareegaha internetkana sanadkii laga qaadayo toddobo kun oo dollar, taasina waxay keentay inay warbaahintu ka walaacdo, haseyeeshee goluhu wuxuu sheegay inuu ka saarayo cashuuraha cusub ee wasaaradaha qaarkood soo gudbiyeen.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland