4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 25, 2018
Dadaallo la doonayo in lagu xaliyo colaad ka taagan deegaanno ku yaala xadka gobollada Hiiraan iyo Galguduud oo socda

 

Talaado, December, 25, 2018 (HOL)-Maamulka Hirshabeelle ayaa wada Dadaallo dib u heshiisiineed oo lagu xalinayo dagaal beeleed ka dhacay deegaan ku xadka ay wadaagaan gobollada Hiiraan iyo Galguduud.

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar iyo mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle oo ku sugan Maxaas ayaa wadaxaajood la leh Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka deegaanka si loo qaboojiyo colaadan xalna looga gaaro.

Waxaa lagu wadaa in la qabto shirar dib u heshiisiineed, kaas oo la isugu keenayo dhinacyadii colaaddu dhex martay, islamarkaana la sameeyo heshiis xabad joojin ah.

Dhawaan ayeey aheyd markii dagaalo dad badan ay ku dhinteen oo u dhaxeey labo maleeshiyo beelleed ka dhaceen deegaanno u dhaxeeya labada gobol Hiiraan iyo Galguduud.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]