4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 25, 2018
Cabdiraxmaan Cabdishakuur : Natiijo Al-shabaab ka darran ayaa ka soo muuqata Soomaaliya

 

Talaado, December, 25, 2018 (HOL)-Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa walaac ka muujiyay Xaaladda Soomaaliya maanta ay ku sugan tahay iyo waliba Arrimaha ku aadan Isdhexgalka dowladdaha Soomaaliya iyo Itoobiya.

Waxaa uu sheegay in faragalintii ay dowlada Itoobiya  ay ku sameysay Soomaaliya sanadkii 2006 ay dhalatay Caqabad weyn oo maanta Soomaaliya heysata ,taasoo ah in ay sameysmeen Al-Shabaab.

Waxaa uu sidoo kale xusay in dowladda Mareykanka ay taageero siinaysay Xilligaasi dowladda Itoobiya, islamarkaana ay daba ka riixsay faragalinta dowladda Itoobiya ee Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in uu cabsi weyn uu qabo Natiijo ka daran Al-Shabaab ay ka dhalato Soomaaliya, islamarkaana hadda ay muuqato saansaantaasi.

“Faragelintii Itoobiya ay Soomaaliya ku samaysay sanadkii 2006dii, Dawlada Maraykanka ayaa gadaal ka taagneed. Waa la wada ogyahay oo waxaa ka dhashay Alshabab. Saansaan sidii u eg ayaa muuqata. Markan waxaan ka cabsi qabaa in natiijo Alsbabaab ka daran ay ka dhalato” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]