4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 25, 2018
Wasiir ka tirsan dowladda Eritrea oo la dhaawacay

 

Talaado, December, 25, 2018 (HOL) – Wasiirka Macdanta dalka Eritrea General Sibhat Efrem oo ah shaqsi saameyn badan ku leh xukuumadda Asmara, ayaa lagu waramayaa in si xun loo dhaawacay.

Wasiirka ayaa la sheegay in qof hubeysan uu ku toogtay meel aan ka fogeyn gurigiisa magaalada Asmara, waxaana wararka la helayo sheegayaan in nin hubeesan uu u ganbaday kadibna dhaaac culus gaarsiiyay.

Ciidamada ayaa markii danbe la sheegay in ay qabteen ninka Wasiirka dhaawacay, walina ma jiro wax war ah oo dowlada ka soo saartay dhaawac loo geestay Wasiirka Macdanta iyo Tamarta dalkaasi.

Dhaawaca Wasiirka oo ah mid culus ayaa la sheegay in dalka dibadiisa loo qaaday gaar ahaan waxaa la sheegay in lagu daweynayo Isbitaal miliari oo Imaaraadka ku yaala , waxaana adag in faah faahino badan laga helo dhaawaca wasiirka iyo sida hada xaalkiisu yahay.

Wasiirka la dhaawacay ayaa ah nin saameyn iyo awood badan ku dhax leh dowlada Eritrea, waxa uuna sanado badan soo ahaa Wasiirka Gaashaandhiga dalkaasi, waxa uu sidoo kale soo qabtay wasaarado kale iyo duqa magaalada Asmara.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]