3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 25, 2018
Maamulka Gobolka Banaadir oo shaqo joojin ku sameeyay guddoomiye degmo

 

Talaado, December, 25, 2018 (HOL) – Qoraal ka soo baxay Xafiiska guddoomiye ku-xigeenka Maaliyada maamulka gobolka Banaadir ayaa shaqada looga joojiyay guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Axmed Maxamed Xassan Geedoow.

Shaqo joojinta guddoomiyaha degmada ayaa loo cuskaday wax is daba-marin iyo musuq maasuq uu dalka dibedda uga maqan yahay guddoomiyaha shaqo joojinta lagu sameeyay.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in shaqada maamulka degmada uu sii wadi doono ku-xigeenka guddoomiyaha degmada ee dhinaca arrimaha bulshada.

Dhawaan ayay aheyd markii Guddoomiye ku-xigeenka Maaliyadda gobolka Banaadir ayaa waxaa uu shaqo joojin uu ku sameeyay guddoomiyihii degmada Xamar Weyne Cumar Shariif Jeeg, kadib markii lagu eedeeyay musuq maasuq.

Ma jiro wali wax war ah oo ka soo baxay dhinaca guddoomiyaha eedeynta loo jeediyay ee degmada Yaaqshiid Axmed Maxamed Xassan Geedoow.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
12/25/2018 2:17 PM EST
Talaado, December, 25, 2018 (HOL)- Warbixintan oo aheyd mid lagu iftiimiyay fursadihii uu xalay madxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen iyo xariggii Mukhtaar Rooboow ayaa lagu sheegay in doorashadii 19kii bishan dhacday aheyd mid ay lug weyn ku laheyd dowladda Federaalka .

12/25/2018 12:49 PM EST
Talaado, December, 25, 2018 (HOL)- Gudoomiyaha cusub Degmada Buula-burte Cabdicasiis Cabdullaahi Cabdi Duurow ayaa maanta si rasmi ah Xilka ula wareegay

12/25/2018 12:21 PM EST
Talaado, December, 25, 2018 (HOL)- Guddiga joogtada ah ee Aqalka Sare ee baarlamanka federaalka ah ee Soomaaliyeed ayaa kulan ku yeeshay xaruntooda magaalada Muqdisho, gudiga ayaa war bixin ku aadan safaradii gudoomiyaha aqalka sare, Cabdi Xaashi Cabdullahi ee Magaalada Kismayo iyo talka Turkiga oo looga hadlaayay arinta falastiin kulan kaasoo ay ka soo qeyb galeen wufuud ka kala socotay ilaa 70 dal.

12/25/2018 10:30 AM EST
Talaado, December, 25, 2018 (HOL)- Golaha Wakiiladda Somaliland, ayaa maanta guddo gallay doodda miisaaniyada Qaranka, waxaana golaha ka hor akhriyey guddidda dhaqaalaha oo sheegay inay miisaaniyada ka saareen lix wasaaradood oo cashuuro ay kordhiyeen ku soo daray miisaaniyadda.

12/25/2018 8:11 AM EST
Talaado, December, 25, 2018 (HOL)- Israsaasayn ka dhacay Bariga magaalada Laascaanood xarunta Gobolka Sool ayaa laba nin ku dhinteen oo ka mid ah labadii kooxood, waxaana ku dhaawacmay sida la sheegay wiil arday ah oo goobta marayey.

12/25/2018 6:03 AM EST
Talaado, December, 25, 2018 (HOL)-Maamulka Hirshabeelle ayaa wada Dadaallo dib u heshiisiineed oo lagu xalinayo dagaal beeleed ka dhacay deegaan u dhaw degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

12/25/2018 3:29 AM EST
Talaado, December, 25, 2018 (HOL)-Ururada shaqaalaha iyo dadka u oleelaya bulshada rayidka ee dalka Suudaan ayaa ku baaqay dibadbaxyo loo wada dhan yahay oo lagu codsanayo inuu iscasilo madaxweynaha Suudaan Cumar Al Bashiir.

12/25/2018 3:25 AM EST
Talaado, December, 25, 2018 (HOL)-Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa walaac ka muujiyay Xaaladda Soomaaliya maanta ay ku sugan tahay iyo waliba Arrimaha ku aadan Isdhexgalka dowladdaha Soomaaliya iyo Itoobiya.

12/25/2018 1:24 AM EST
Talaado, December, 25, 2018 (HOL)–Wasiirka Macdanta dalka Eritrea General Sibhat Efrem oo ah shaqsi saameyn badan ku leh xukuumadda Asmara, ayaa lagu waramayaa in six un loo dhaawacay.