4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 24, 2018
Ururka NUSOJ oo wariyayaal u qabtay tababar ku aadan xoriyatul qowlka iyo nabadgelyada suxufiyiinta


Isniin, December, 24, 2018 (HOL)- Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ oo garabsanaya Ururka Suxufiyiinta Adduunka ee IFJ ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay December 24, 2018 waxaa uu tababar u qabtay 25 wariye oo ka kala socday qeybaha Warbaahinta Magaalada Muqdisho. Tababarkan oo muddo labo maalmood ah soconaya ayaa waxaa uu ka socdaa Hotelka Peace ee magaalada Muqdisho.

Tababarkan ayaa ah mid sare loogu qaadayo aqoonta wariyaasha ee ku aadan xorriyatul qowlka iyo nabadgelyada suxufiyiinta kadib markii ay bateen qaababka kala duwan ee wariyaada lagu caburiyo ee kasoo if baxay magaalada Muqdisho.

Wariyaasha ayaa waxaa la barayaa sidii ay u isticmaali lahaayeen xuquuqda aas-aasiga ah ee xoriyatul qowlka ee loo adeegsado dhinaca warbaahinta bulshada iyo dhinaca Digital media. Sidoo kale tababarkan ayaa waxaa lagu baranayaa sidii nabadgelyada wariyaha kor loogu qaadi lahaa ayadoo laga baaran dagayo khatara soo foorsaara wariyaasha.

Xoghayaha Guud ee Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ Cumar Faaruuq Cismaan ayaa ka hadlay furitaanka tababarkan loo qabtay wariyaasha, wuxuuna ka soo qeybgalayaasha u sheegay in aysan jirin xoriyatul qowl ay adag tahay suxufi xor ah ama saxaafad madax-banaan in ay dalka kasii shaqeeyaan, waxaana uu ku boorriyay wariyaasha inay ka faa’ideystaan aqoonta la barayo.

Wuxuu intaas raaciyay Xoghayahu Guud in ururka NUSOJ u taagan yahay difaaca xuquuqda wariyaasha iyo sare u qaadista aqoontooda isagoona sheegay in labada maalmood ee tababarku soconayo la baran doono tacliin badan oo ku saabsan xorriyadda hadalka iyo nabadgalyada wariyaaha isla markaana la qaban doono dooddo iyo shaqo hawleed ku saabsan mawduucyada la baranayo.

Mar uu Cumar Faaruuq Cismaan ka hadlayay arimaha tababarada wuxuu sheegay in dhowaan Ururka NUSOJ uu dalka dibaddiisa u diray wariyaal dhawr ah oo ka soo faa’ideystay tababarro sare loogu qaadayo xirfaddooda isla markaana lasii joogteyn doono in fursadaha ceynkaasi ah wariyaasha looga faa’ideeyo.

Tababarkan oo socon doona laba maalmood ayaa waxaa soo dhoweeyay Wariyaasha ka faa’ideysanaya waxayna sheegeen in ay uga mahad naqayaan Ururka NUSOJ.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]