4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 24, 2018
Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay Garsooreyaal ka tirsan Maxkamadda Sare

 

Isniin, December, 24, 2018 (HOL)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu ku magacaabay Garsooreyaal ka tirsan Maxkmadda Sare ee dalka, keddib soo jeedin ka timid Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Baashe Yuusuf Axmed.

Garyaqaannada uu Madaxweynuhu u magacaabay xilalka Garsoorenimo ee Maxkamadda Sare ayaa ah:

▪ Garyaqaan Xasan Cabdinuur Cabdirixmaan.

▪ Garyaqaan Abuukar Axmed Cali (Qasaali).

▪ Garyaqaan Cabdulqaadir Idiris Ciise.

▪ Garyaqaan Suleymaan Maxamed Maxamuud.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku adkeeyey garsooreyaasha uu magacaabay in ay dhawraan sarreeynta sharciga dalka iyo in ay si siman ugu adeegaan shacabka.

Tallaabadan uu qaaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku saleeysan dardar gelinta Golaha Adeegga Garsoorka iyo wax ka qabashada cabshooyinka dhanka cadaaladda ee ka yimid Muwaadiniinta Soomaaliyeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]