4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 24, 2018
Guddiga anisixnta Baarlamaanka Puntland: Ilaa hadda 200 oo codsi ayaa na soo gaaray

Isniin, December, 24, 2018 (HOL)- Guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamaanka Puntland ayaa sheegay in ku dhawaad 200 oo musharrax ay soo gudbiyeen codsiga xildhibaannimo.

Xubno ka tirsan guddiga oo la hadlay Hiiraan Online ayaa sheegay inay soo gababeyeen qabashada warqaaha codsiga musharraxiinta, xubnaha guddiga ka tirsan ayaa inta ku daray inay jiraan khilaaf ka taagan soo xulidda xubnaha Baarlamaanka maamulkaasi.

Howsha guddiga waxaa kamid ah inay hayaan waraqaaha ama codsiyada xubnaha Baarlamaanka ay soo xulayaan beelaha.

Baarlamaanka Puntland ayaa ka kooban 66 xubnood,kuwaas oo dooran doona madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa,doorashada oo dhacaysa siddeeda bisha Jannaayo ee sannadka 2019.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]