4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 24, 2018
Madaxweynaha Soomaaliya oo warbixin ka dhigeystay Wasiirka Maaliyadda

 

Isniin, December, 24, 2018 (HOL)- Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beele ayaa sheegay in warbixin kooban uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka siiyay horumarka Dowladda ka gaartay dib u habeynta iyo hagaajinta hanaanka maaliyadda dalka.

“Sharaf ayay ii tahay inaan warbixin kooban ka siiyo Madaxweynaha Soomaaliya MD Maxamed Cabdullahi Farmaajo horumarka aan ka gaarnay dib u habeynta iyo hagaajinta hanaanka maaliyadda dalka”, ayuu yiri Wasiirka Beyle.

Sidoo kale,Wasiir Beyle ayaa madaxweyne Farmaajo la wadaagay natiijada ka soo baxday kulanka Jaamacadda Carabta oo uu dhowaan kaga qeyb galay magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar.

“Waxaan sidoo kale la wadaagay natiijooyinkii kasoo baxay kulankii Jaamacadda Carabta ee Qaahira usbuucii tagay aan uga qeyb galay,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya.

Kulanka madaxweynaha iyo Wasiirka Maaliyadda ayaa imanaya iyadoo dhawaan guddiga Maaliyada Golaha Shacabka ay eedeyn culus u jeediyeen Wasaarradda Maaliyadda iyaga oo sheegay in la lusaday lacago malaayiin dollar ah oo aan la ogeyn sida loo isticmaalay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]