3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 24, 2018
Sawirro:-Ra’iisul wasaare Kheyre oo kormeeray Tiyaatarka Qaranka oo maalin ka hor Qarax lagu weeraray


Isniin, December, 24, 2018 (HOL)-Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kormeeray Golaha Murtida iyo madadaalada Qaranka oo ay ka socdaan howlo dib u dhis ah ka dib weerarkii maalin ka hor lagu qaaday.

Shaqaalaha wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa ku sugnaa Tiyaatarka xilligii uu Ra’iisul waasraha uu tagayay, waxaa ayna ka wadeen shaqa maalmeedka Is-xilqaan oo ay ku qornaayeen.

Ujeedka ka dambeeya kormeerka Kheyre uu ku tagay Golaha Murtida iyo madadaalada Qaranka ayaa lagu sheegay in ay tahay u kuurgalida howsha is-xilqaan iyo siday u socoto.

Abwaan Cismaan Cabdullaahi Guure Maareeyaha Tiyaatarka Qaranka iyo Injineerada wax ka dhisaya xarunta Golaha Murtida iyo madadaalada Qaranka ayaa si kooban warbixin u siiyay Ra’iisul wasaaraha.

Dad badan oo isugu jiray Askar, Shaqaalaha Dowladda, Madax, iyo shacab ayaa waxyyeello isugu jirta dhimasho iyo dhaawac ay ka soo gaartay weerarkii ka dhacay isgoyska Tiyaatarka Qaranka oo ay ku taallo bar koontarool oo ay lee yihiin ciidamada ilaalada madaxtooyada.

Nurre Mohamed Ali ,Hiiraan Online
[email protected]  
 













Click here
12/24/2018 2:40 PM EST
Isniin, December, 24, 2018 (HOL)- Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ oo garabsanaya Ururka Suxufiyiinta Adduunka ee IFJ ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay December 24, 2018 waxaa uu tababar u qabtay 25 wariye oo ka kala socday qeybaha Warbaahinta Magaalada Muqdisho. Tababarkan oo muddo labo maalmood ah soconaya ayaa waxaa uu ka socdaa Hotelka Peace ee magaalada Muqdisho.

12/24/2018 9:56 AM EST
Isniin, December, 24, 2018 (HOL)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu ku magacaabay Garsooreyaal ka tirsan Maxkmadda Sare ee dalka, keddib soo jeedin ka timid Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Baashe Yuusuf Axmed.

12/24/2018 7:50 AM EST
Isniin, December, 24, 2018 (HOL)- Guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamaanka Puntland ayaa sheegay in ku dhawaad 200 oo musharrax ay soo gudbiyeen codsiga xildhibaannimo.

12/24/2018 7:38 AM EST
Isniin, December, 24, 2018 (HOL)- Dowladda Itoobiya ayaa bilowday inay hirgeliso ciidamo gaar ah oo ilaaliya madaxda dalkaasi oo ay kamid yihiin wasiirada, madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaraha dalkaasi.

12/24/2018 7:26 AM EST
Isniin, December, 24, 2018 (HOL)- Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Cabdixakiin Xaaji Cumar Camey ayaa sheegay maamulkii uu shanta sanno la shaqeynayay inuu sameeyay dayacaad amni, isagoo soo jeediyay in la joogo waqtigii shacabka ay waydiisan lahaayeen cafis.

12/24/2018 6:41 AM EST
Isniin, December, 24, 2018 (HOL)-Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beele ayaa sheegay in warbixin kooban uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka siiyay horumarka Dowladda ka gaartay dib u habeynta iyo hagaajinta hanaanka maaliyadda Dalka.

12/24/2018 3:39 AM EST
Isniin, December, 24, 2018 (HOL)- Dableey hubeysan ayaa Xaafadda Haanta dheer ee Muqdisho ku toogtay qof ka mid ahaa shaqaallaha Wasaaradda Diinta iyo Owqaafta ee Soomaaliya.

12/24/2018 3:32 AM EST
Isniin, December, 24, 2018 (HOL)-Sida ay Goobjoogayaal xaqiijiyeen koox hubeysan ayaa subaxnimadii saakay toogasho ku dishay shaqaale ka tirsanaa Wasaarradda Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Soomaaliya oo lagu magacaabi jiray Sheekh Maxamed Cabdi.

12/24/2018 1:34 AM EST
Isniin, December, 24, 2018 (HOL)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa xarunta Villa Hargeysa ee Muqdisho kula kulmay guddiga Maaliyadda, Miisaaniyadda iyo Qorsheynta ee Golaha Shacabka.

12/24/2018 1:09 AM EST
Isniin, December, 24, 2018 (HOL)-Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Soomaaliya Xildhibaan, Sheekh Nuur Maxamed Xassan ayaa dalka sacuudiga waxaa uga bilowday booqasho rasmi ah oo uu maalmo kujoogi doono halkaasi.

12/24/2018 12:33 AM EST
Isniin, December,24,2018 (HOL)-Maxkamadda Ciidamada qalabka sidda ayaa goor dhow dil toogasho ah ku fulisay xubin ka mid ahaa Al-Shabaab,kaasoo horay gacanta ugu soo dhigeen Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya.