4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 24, 2018
Faah faahin ku saabsan toogasho ka dhacday Muqdisho

 

Isniin, December, 24, 2018 (HOL)- Dableey hubeysan ayaa Xaafadda Haanta dheer ee Muqdisho ku toogtay qof ka mid ahaa shaqaallaha Wasaaradda Diinta iyo Owqaafta ee Soomaaliya.

Rag ku hubeysanaa Bastoolado oo falkaasi ka dambeeyay ayaa la sheegay in dilka ka dib in ay ka baxsadeen goobta.

Marxuumka geeriyooday ayaa magaciisa lagu sheegay Sheekh Maxamad Cabdi kaasi oo wararka aan helnay ay tilmaamayaan in lagu dilay meel aan ka fogeyn hoygiisa.

Dhinaca kale Sheekh  Maxamad ayaa ka mid ahaa bare-yaasha qaar ka mid ah Jaamacaddaha Muqdisho ku yaalla, Si gaar ah ayuu u dhigi jiray kulliyadda shareecada.

Madaxda Wasiirka Diinta iyo Owqaafta Soomaaliya oo xaqiijiyay dilka Sheekh Maxamed ayaa durba waxaa ay tacsi u direen Ehelkii uu ka baxay.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilkiisa, Waxaana Muqdisho ku soo noq noqday dilalka loo geysto xubnaha ka tirsan Dowladda iyo dad shacab ah.

22-kii bishan ayay aheyd markii qaraxyo is xigay oo ka dhacay isgoysyada Dajirka iyo Xaawo Taako ay waxyeelo ka soo gaartay dad badan.

Nurre Mohamed Ali ,Hiiraan Online
[email protected]