4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 24, 2018
Koox hubeysan oo toogasho ku dishay qof la sheegay in uu ka tirsanaa Wasaarradda Diinta xukuumadda Soomaaliya

 

Isniin, December, 24, 2018 (HOL)- Sida ay Goobjoogayaal xaqiijiyeen koox hubeysan ayaa subaxnimadii saakay toogasho ku dishay shaqaale ka tirsanaa Wasaarradda Diinta iyo Awqaafta xukuumadda Soomaaliya oo lagu magacaabi jiray Sheekh Maxamed Cabdi.

Dilkan ayaa gaar ahaan ka dhacay degmada Deyniile gaar ahaan Agagaarka Haanta Dheer oo la sheegay in uu deganaa waxaa markiiba goobta ka baxsaday kooxdii dilka geysatay.

Inkastoo la sheegay in Ninkan dhalinyaradda ah ee la dilay uu ka tirsanaa Wasaarradda Diinta, haddana dhinaca kale wali wax war ah kama aysan soo bixin Wasaarradda oo la xiriira in marxuumku uu ka tirsanaa shaqaallaheeda.

Magaalada Muqdisho ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa ka dhacayay dilalka qorsheysan ee loo geysto dadka rayidka,Askarta iyo shaqaalaha ka tirsan dowlada Federaalka Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]