Isniin, December, 24, 2018 (HOL)- Wasiirka
Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Soomaaliya Xildhibaan, Sheekh Nuur
Maxamed Xassan ayaa dalka sacuudiga waxaa uga bilowday booqasho rasmi ah oo uu
maalmo kujoogi doono halkaasi.
Wasiirka iyo wafdigiisa waxaa sidiirran u
qaabilay Wasiirka Xajka iyo Cumrada Sacuudiga Dr. Maxamed Salalax Bin Dahir
Bintin, iyo Wasiirka ku xigeenka Wasaaradda Xajka & Cumtrada Dr.
Cabdilfataax Mashaad,
Masuuliyiintan ayaa yeeyashay kulan saacado
qaatay waxaana looga wada hadlay Arrimaha Xajka, iyadoo Wasiirka Awqaafta
XFS laga dhageystay warbixinno kusaabsan arrimaha xajka sanadkii hore
sida ay ahayd, waxyaabihii ka dhinaa iyo faa’iidooyinkii lagaaray.
Dowladaha Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudiga
ayaa ku hishiiyay in tirada dadka soomaaliyeed ee sanadka soo socda xajin doona
lagu daro, Labo kun iyo Labo Boqol (2,200 ) oo xaaji, taas oo ka dhigan in
tirada xujayda Soomaalida sanadkan noqota Kow iyo Toban kun iyo Shan Boqol
(11,500 ) oo Qof, halka sanadkii hore ay aheyd, Sagaal kun iyo Sedex Boqol
(9,300 ) oo Qof, sida uu sheegay Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS.
Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta
Soomaaliya Xildhibaan, Sheekh Nuur ayaa sidoo kale sheegay in la isla-gartay in
aad loo wanaajiyo adeegyada la siiyo soomaalida, haddey ahaan lahayd,
deegaannada gaadiidka iyo cunnada intaba, iyadoo lagu ballamay in
lada-dajiyo soo saarista Fiisayaasha xajka iyo adeegyada kale ee xajka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]