4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 24, 2018
Maxkamadda ciidamada qalabka sidda oo xukun dil ah fulisay

 

Isniin, December, 24, 2018 (HOL)- Maxkamadda Ciidamada qalabka sidda ayaa goor dhow dil toogasho ah ku fulisay xubin ka mid ahaa Al-Shabaab,kaasoo horay gacanta ugu soo dhigeen Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya.

Ninkaan ayaa horay loogu xukumay dil toogasho ah, ka dib markii la horgeeyay Maxkamadda Ciidamada qalabka sidda.

Maxkamadda Ciidamadda Qalabka Sidda ee Soomaaliya waxaa ay Saakay Toogasho ku fulisay C/qaadir Abuukar Shaacir oo ka tirsanaa Al-shabaab, una qaabilsanaa in uu Gawaaridda Qaraxyadda ah dhigo Goobaha ay Shacabku ku badan yihiin sidda ay baahisay warbaahinta dowladda.

Ninkan waxay Ciidamadda Ammaanku ku qabteen Bishii May ee Sannadkan Degmadda Xamar-wayne xilli uu halkaasi dhigay Gaari Qarax ah, waxaa sidoo kale uu ahaa Shaqsigii dhigay Gaariga Qaraxa ah Agagaarka Wasaaradda Amniga Qaranka sidda ay sheegtay Maxkamadda Ciidamada.

Goobaha la qarxiyay ee uu gacanta ka geystay :

1. Taariikhdu markay ahayd 13/03/2017, Qaraxii ka dhacay afaafka hore ee Hotel Wehliye, halkaasoo ay ku geeriyoodeen 10 ruux, kuna dhaawacmeen 17ruux oo kale.

2. Taariikhdu markay ahayd 05/04/2017, wuxuu geeyay Baabuur Saaruf ah oo ay ka buuxaan walxaha qarxa Maqaayad kasoo horjeeda Wazaarada sportiga agagaarka xaruntii wasaarada Amniga, qaraxaas oo ay ku geeriyoodeen 9 ruux, kuna dhaawacmeen 10 ruux oo kale.

3. Sidoo kale wuxuu soo sahmiyay Qaraxii ka dhacay Baar Italia Taariikhdu markay ahayd 08/05/2017, halkaasoo ay ku geeriyoodeen 7 Ruux kuna dhaawacmeen 11Ruux oo kale.

4. , taariikhdu markay ahayd 15/5/2017., ciidamadu amnigu waxay ku qabteen C/qaadir Abuukar Shaacir Max’ed isagoo wado gaarigii qaraxa ahaa ee ku qarxay Degmada X/wayne gaar ahaan EX. Eenaayo.

Maxkamadda darajada koowaad ayaa 6-dii bishii 12aad ee sanadkii hore 2017 ku xukuntay dil toogasho ah, waxaana maanta oo taariikhda tahay 24 bisha 12aad sanadka 2018 lagu fuliyay dil toogasho ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]