4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 23, 2018
AMISOM oo qaadeysa howlgalo ka dhan ah Al-shabaab

 

Axad, December, 23, 2018 (HOL)–Ciiidamada nabad ilaalinta  ee Midowga Afrika ayaa sheegay in ay qorsheenayaan bilaabida weeraro ay ku qaadaan goobaha ay dagaalamyaasha Al-shabaab ka suganyihiin gudaha dalka.

Hawlgaladan ay AMISOM sheegtay in lagu xoreenayo goobaha ay Al-shabaab haystaan ayaa lagu wadaa in ay bilawdaan bilawga sanadka cusub ee socda 2019.

Hawlagaldan ayaa lagu wadaa sida ay AMISOM sheegtay in laga fuliyo goobaha ay Al-shabaab kaga suganyihiin gobolka jubadda dhexe waxaana hawlgaladaasi si wadajir ah u fulinayo sida uu qorshuhu yahay ciidamada maamul gobaleedka Jubbaland kuwa faderaalka iyo kuwa nabad ilaalinta midowga Afrika.

Jubadda dhexe oo ah gobol muhiim ah ayaa waxa uu xuduud la wadaagaa gobolada Gedo Jubooyinka, Gedo, Baay, Shaboolooyinka, Hiiraan iyo bad waynta hindiya waana gobolka kali ah ay Al-shabaab ugu xoogan yihiin.

Sida uu sheegay afhayeenka ciidamada Amisom Col Richard Omwega, hawlgalkan ayaa qayb ka ah qorshaha xaalada galaguurka ay amisom dalka kaga baxayso amnigana ay gacanta ugu galiso dowlada soomaaliya.

Afhayeenka ciidamada AMISOM ayaa sidookale sheegay in hawl-galkan cusub ay qaadayaan uu gogol xaar u noqon doono in 2020 ay soomaaliya ka dhacdo doorashooyin guud oo si nabad galya ah loo qabto.

Sida uu sheegayo qaraarkii golaha amaanka ee QM ee sanadkii 2017 kaas oo tirsigiisu ahaa 2372 ayaa sheegayay in dhamaan ciidamada nabad ilaalinta midowga afrika oo gaaraya 21,626 in gabi ahaan dalka ka bixi doonaan markii lagaaro sanada 2020.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]