4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 23, 2018
Urur Goboleedka IGAD oo taageeray guulaha ay gaartay dowladda Soomaaliya

 

Axad, December, 23, 2018 (HOL) – War qoraal ah oo ka soo baxay Urur Goboleedka IGAD ayaa lagu sheegay in ay siweyn u taageersanyihiin guulaha ay ku talaabsanayso dowladda Federaalka Soomaaliya,ayna diyaar u yihiin sidii taageero ay ula garab istaagi lahaayeen,dhismaha maamulada oo horseedaysa in doorasho qof iyo cod ah ay dalka ka dhacdo sanadka 2020.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in ay soo dhaweynayaan go’aanada dowladda Soomaliya ee ku aadan in doorasho xor iyo xalal ah ay dalka ka dhacdo,si loo xaqiijiyo in dhamaan lagawada qeybgalo,iyadoo loo maraya geedi socodka siyaasadeed ee dalka.

“IGAD waxaa ay dhiiro-gelinaysaa hanaanka dimoqraadiyadeed ee ka hana qaadaya Soomaaliya, lana xoojinayo dowladwanaaga,iyo in si guud ay dadku uga qeybgalaan dhismaha dowladnimada si ay u helaan xuquuqaadkooda muwaadanimo,waxaana IGAD ay sii wadi doontaa in Soomaaliya ay garab istaagto si midnimo loo helo waqtigan adag ee lagu guda jiro,si degnaansho iyo nabad waarta dalka loogu soo dabaalo”ayaa lagu yiri qoraalkaasi.

Dowrka ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya waxaa uu yahay in ay ka qeyb qaataan amaanka iyo xasiloonida Soomaaliya,sidaasi daraadeed ayaa lagu yiri qoraalkaasi IGAD waxaan naga go’an in aan fulinno balanqaadkii ahaa in dowladdu go’aanadeedi siyaasadeed ay u madaxbanantahay,waxaana muhiim ah in la sameeyo tirikoob iyo midnimmo qaran oo dalka uu yeesho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]