3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 23, 2018
Golaha Guurtidda Somaliland oo go’aamiyey in la gubo buug muran badan dhaliyey

 

Axad, December, 23, 2018 (HOL) – Golaha Guurtida Somaliland ayaa go’aan ka soo saaray buugii uu qoray wasiirka warfaafinta Somaliland Cabdiraxmaan Guri barwaaqo oo ay muddo dheer ka cabanayeen haweenka Somaliland inay ku jirto qaybo uu wax kaga sheegayo dumar Soomaaliyeed.

Haweenka Somaliland ayaa cabashadoodda u gudbiyey shirgudoonka Guurtidda, waxaana loo magacaabay guddi ka kooban xildhibaano si ay usoo darsaan waxa ku qoran buuga ee haweenku ka biyo diideen, waxaana guddidaasi soo saareen in gabi ahaanba buugaasi Sooyaal la gubo, isla markaana aan dib dambe loo soo daabicin, dalkana laga mamnuuco.

Guddida loo xil saaray ka garniqidad buugan Sooyaal ee haweenku ka cawdeen waxay golaha usoo gudbiyeen in Buugaasi ka hor imanayo dhaqanka iyo nabadgalyadda dalka, isla markaana loo baahan yahay in la cidhib tiro oo la gubo.

Guddidu waxay sheegeen in wasiirka Warfaafinta wax ka waydiiyeen buuga, isla markaana haweenka waraysteen waxyaalaha ay ka cabanayan, taasina ay keentay in buugaasi dalka laga mamnuuco.

 

“bishii sideedaad ee sanadkan waxa cabasho usoo gudbiyey hablo reer Somaliland ah, waxaanu shirgudoonku magacaabay toddobo xubnood, ka dib markii guddidu dhagaysatay dacwadii hablaha oo qoraal iyo afba ah, ka dib markii gudidu dhagaysatay jawaab celintii cidda buugu khuseeyey oo ah wasiirka warfaafinta Somaliland ka dib markii guddidii gaar isku noqotay, waxaanu go’aan ka gaadhnay muranka mudadda dheer jirtay, waxaanu aqoonsanahay in buugaasi ku badan tahay aflagaado badan oo dhaqanka, diinta iyo nabadgalyadaba wax u dhimaya, waxaana soo saarnay in buugaasi dalka laga ururiyo oo la gubo dalkana laga mamnuuco”ayuu yidhi gudoomiyaha guddida Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan.

Sidoo kale, waxay guddidu go’aan ka soo saartay in gabayadii hore ee reer miyigu ay reeruhu isku gabyi jireen aan buug laga samayn Karin maadaama oo uu abuuri karo caadifad iyo nabadgalyo daro.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.













Click here
12/23/2018 10:57 AM EST
Axad, December, 23, 2018 (HOL) – Xlidhibaannadii dhawaan soo gudbiyay soo jeedintii ka dhanka ah aheyd madaxweynaha dowladda Soomaaliya, laakiin sheegay in ay ka tanaasuleen soo jeedintoodii xil ka qaadista , ayaa mar kale eedeyn u jeediyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

12/23/2018 8:26 AM EST
Axad, December, 23, 2018 (HOL)–Ciiidamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika ayaa sheegay in ay qorsheenayaan bilaabida weeraro ay ku qaadaan goobaha ay dagaalamyaasha Al-shabaab ka suganyihiin gudaha dalka.

12/23/2018 6:58 AM EST
Axad, December, 23, 2018 (HOL)–War qoraal ah oo ka soo baxay Urur Goboleedka IGAD ayaa lagu sheegay in ay siweyn u taageersanyihiin guulaha ay ku talaabsanayso dowladda Federaalka Soomaaliya,ayna diyaar u yihiin sidii taageero ay ula garab istaagi lahaayeen,dhismaha maamulada oo horseedaysa in doorasho qof iyo cod ah ay dalka ka dhacdo sanadka 2020.

12/23/2018 2:49 AM EST
Axad, December, 23, 2018 (HOL) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar dhabo ah oo dagaalamayaasha Al-shabaab ku qaadeen kolanyo gaadiid ah oo la socday guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar iyo saraakiil ciidan oo ku sii jeeday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

12/23/2018 1:21 AM EST
Axad, December, 23, 2018 (HOL)- Kooxdan qaramada midoobay ka socota ayaa waxay u kuur galayaan sida uu dekedda Xudeydiyah uga hirgalay heshiiska xabbad joojinta.

12/23/2018 1:14 AM EST
Axad, December, 23, 2018 (HOL)–Qaar ka mid ah dowladdaha iyo Ururadda Caalamiga ah ayaa si kulul u cambaareeyay Qaraxyadii shalay lagu weeraray Kontoroolka Tiyaatarka Soomaaliya.

12/23/2018 1:08 AM EST
Axad, December, 23, 2018 (HOL)- Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre oo ay wehliyaan mas’uuliyiin kale ayaa xalay saqdii dhexe wuxuu booqday qaar kamid ah isbitaaladii la dhigay dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii kooxaha argagixisadu ay shalay ku laayeen dadka shacabka ah.