4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 23, 2018
Koox ka socota qaramada midoobay oo gaaray Xudeydiyah

 

Axad, December, 23, 2018 (HOL)- Kooxdan qaramada midoobay ka socota ayaa waxay u kuur galayaan sida uu dekedda Xudeydiyah uga hirgalay heshiiska xabbad joojinta.

Kooxdan uu hoggaaminayo General Patrick Cammaert oo uu u dhashay dalka Denmark waxay dekedda gaareen maanta iyaga oo howlahooda u kuurgelidda xabbad joojinta iyo dhinacyada magaalada ku dagaallamayay sida ay ciidamadooda magaaladda uga saareenba si rasmi ah u billaabaya Talaadada horteenna ah.

Maalinti shalay ahayd ayuu golaha ammaanka ee qaramada midoobay ansixiyey qaraar lagu meel marinayo koox ka socota qaramada midoobay oo muddo 30 maalmood ah dekedda xudeydiyah ka howl galeysa.

Sanado badan kaddib waxaa dalka Yemen laga qabaa rajadi ugu wanaagsaneyd, heshiiska dhexmaray dhinacyada ku dagallamaya Xudeydiyah ayaa waxay horraanti bishan ku guuleysteen wadahadallo nabadeed iney yeeshaan.

Wadahadallaadaasi oo loo arkay iney mustaqbalka u horseeddo heshiis la taaban karo iney sanadka cusub gaaraan.

Xudeydiyah waxay sanadkan ahayd meel aad u halis badan oo ay ka dhacayeen dagaallo.

Xudeydiyah oo ah dekad muhiim ah xulafada Sacuudiga uu hoggaaminayo iyo xoogagga daacadda u ah dowladda Yemenba dagaalkooda wuxuu ku saleysnaa sidi ay Fallaagada Xuutiyiinta uga faramaroojin lahaayeen.

Sida oo kale Dekedda xudeydiyah ayaa waxay noolashooda ku xiran tahay Malaayiin qof oo dalkaasi Yemen ku nool oo macaluul la ildaran.

dhawaqa rasaasta ayaan si buuxda uga istaagin magaalada, iyada oo ay maalmo ka soo wareegtay meel marinta heshiiska xabbad joojinta balse inteeda badan waa ay deggan tahay.

Sida uu dhigayo heshiiska xabbad joojinta ee la gaarayna waa iney Xuutiyiinta ciidamadooda kala baxaan dekedda si ay qaramada midoobay ay gacanta ugu dhigto maamulka Dekedda.

Kaddibna, ay dhammaan dhinacyada isku hayo halkaasi ay ka baxaan magaalada iyo nawaaxigeedaba.

Dalka Yemen dagaalka ka qarxay March 2015-ka waxaa ku dhintay dad ka badan 10,000, iyada oo malaayiin qofna ay qaxeen guriyahooda dad ka badan 14 milyanna ay macaluul ba'an soo food saartay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]