4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 21, 2018
Madaxweynaha Somaliland iyo madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo ku kulmay magaalada Wajaale

 

Jimco, December, 21, 2018 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Cagjar ayaa maanta ku kulmay magaalo xuduudeedka Tog-wajaale, gaar ahaan dhinaca Somaliland.

Shirkan labada madaxweyne ayaa la sheegay inuu ahaa mid lagaga hadlayey is dhexgalka bulshada, xoojinta amaanka, ganacsiga, maalgashiga iyo sidii deegaanada ku teedsan xaduuda labada dal looga hir gelin lahaa mashaariic horu marineed oo bulshada waxtar u leh. labadda madaxweynaba waxa la socday ganacsato shirka kala qaybgashay, waxaanay taasi daliil u tahay in xooga la saarayey arrimaha ganacsiga, maadaama oo Soomaalida Itoobiya iyo Oromadduba ku xidhan yihiin magaalo ganacsiyeedka Wajaale.

Sidoo kale, kulankani markii uu dhamaaday waxay labada madaxweyne u gudbeen Wajaale dhinaceeda Itoobiya, halkaasi oo dadweynuhu ku soo dhoweeyeen.

Dhinaca kale, dawlad goboleedka Soomaalida Itoobiya waxay raaligalin ka bixiyeen hadal dhowaan ka soo baxay oo Somaliland ku eedeeyeen inay dadkii gabood falada ka sameeyey deegaanka ay ku dhuumanayaan Somaliland, isla markaana falal amniga ka dhan ah ka wadaan, taas oo Somaliland sheegtay in eedahaasi aanay waxba ka jirin oo wixii lagala soo baxday Jigjiga dib loo celiyey.

Kulankan oo kale hore umay dhici jirin inuu madaxweyne Somaliland ahi kulan gaar ah la yeesho madaxweyneyaashii soo maray dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.