4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 21, 2018
Madaxweyne Farmaajo oo laga dalbaday in uu raali-galin ka bixiyo dhiibistii Qalbi-Dhagax

 

Jimco, December, 21, 2018 (HOL)-Iyadoo maalintii Qoraal ka soo baxay xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan lagu sheegay in laga tanaasulay mooshinkii xil ka qaadista madaxweynaha Soomaaliya, ayaa dhinaca kale waxaa jira sharuudo xildhibaannadii tanaasulay ay ku xireen madaxweyne Farmaajo.

Qoraalka oo ka koobnaa ilaa 9 qodobo ayaa lagu soo bandhigay sharuudo ay ku xireen madaxweynaha oo sida ay sheegeen looga fadhiyo in uu fuliyo, waxaana ka mid ah in madaxweynuhu raali-galin ka bixiyo dhiibistii Cabdikraiin Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax iyo in fara-galinta laga daayo howlaha Baarlamaanka gaar ahaan Golaha Shacabka.

Waxaa kaloo ku jira qodobada, dhismaha maxkamadda Dastuuriga, dhaqse u bilaabida wada hadalladii Somaliland, iyo in xukuumaddu ka laabato go'aankii ay horay ugu dartay liiska Argagixisada Ururka ONLF.

Akhriso Qoraalka ka soo baxay xildhibaannadda :

 

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]