3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 21, 2018
Warar dheeraad ah oo ku saabsan duqeymo lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab

 

Jimco, December, 21, 2018 (HOL)- Taliska Militariga Mareykanka ayaa war uu soo saaray kaga hadlya duqeymo lagu beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Alshabaab oo dhawaan ka dhacay qeybo kamid ah gobolka Shabeelada Hoose.

Wakaaladad Wararka Mareykanka (AP) oo soo xiganaysa qoraal ka soo baxay Africom ayaa sheegaysa in duqeyn ka dhacday nawaaxiga deegaanka Beledul-Amiin ee Shabeelada Hoose, taasi oo jawaab u ahayd isku day ay doonayeen Al-shabaab in ay weerar ku geystaan.

Waxaa duqeyntaasi oo dhacday Arbacadii la soo dhaafay lagu dilay in ka badan 10 dagaalyahan oo ka tirsanaa Al-shabaab, mana jiraan wax khasaare ah oo soo gaaray ciidanka Kumaandooska Soomaaliya iyo saaxiibadooda caalamiga ah.

Bilihii ugu dambeeyey waxaa sii kordhayay duqeymaha iyo howlgalada tooska ah oo lagu beegsanayo goobaha ay ku dhuumaalaysanayaan Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
12/21/2018 9:34 AM EST
Jimco, December, 21, 2018 (HOL)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Cagjar ayaa maanta ku kulmay magaalo xuduudeedka Tog-wajaale, gaar ahaan dhinaca Somaliland.

12/21/2018 8:15 AM EST
Jimco, December, 21, 2018 (HOL)-Iyadoo maalintii Qoraal ka soo baxay xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan lagu sheegay in laga tanaasulay mooshinkii xil ka qaadista madaxweynaha Soomaaliya, ayaa dhinaca kale waxaa jira sharuudo xildhibaannadii tanaasulay ay ku xireen madaxweyne Farmaajo.

12/21/2018 4:07 AM EST
Jimco, December, 21, 2018 (HOL)-Madaxweynaha Dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa ammaanay doorka fir-fircoon ee uu Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed kaga jira nabadda iyo is-dhexgalka Wadamada Geeska Afrika.

12/21/2018 3:56 AM EST
Jimco, December, 21, 2018 (HOL)-Xoghayaha difaaca Mareykanka Jim Mattis ayaa sheegay inuu shaqada ka tagayo bisha February.

12/21/2018 3:37 AM EST
Jimco, December, 21, 2018 (HOL)-Jaamacadda Jobkey oo ka mid ah Jaamacadaha ka jira dalka ayaa cilmi baaris ku sameysay beeraha iyo xoolaha Soomaaliya, iyadoo munaasabad lagu soo bandhigayey lagu qabtay magaalada Muqdisho.

12/21/2018 1:14 AM EST
Jimco, December, 21, 2018 (HOL)-Taliska ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa wuxuu sheegay inuu gacanta ku dhigay nin ka tirsan Ururka Al Shabaab, kadib hawlgal gaar ah oo ay fuliyeen Ciidanka NISA.

12/21/2018 12:58 AM EST
Jimco, December, 21, 2018 (HOL)- Ururka Al-shabaab ayaa ku baaqday dagaal aan horey loo arkay Kooxda Daacish oo waayadii ugu danbeeyay ku sii xoogeysaneysay deegaanno ka tirsan Soomaaliya.

12/21/2018 12:49 AM EST
Jimco, December, 21, 2018 (HOL)- Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa u hambalyeeyey Madaxweynaha cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo ku guuleystay doorashadii ka qabsoontay Koonfur Galbeed.