Jimco, December, 21, 2018 (HOL)- Madaxweynaha
Dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa ammaanay doorka fir-fircoon ee uu
Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, kaga jira nabadda iyo is-dhexgalka
Wadamada Geeska Afrika.
Isaga oo ka hadlaya, kulan Saddex Cisha ahaa oo
ay yeesheen Safiirro reer Jabuuti ah iyo Diblomaasiyiin sare, oo Maanta lagu
soo gaba-gabeeyay Magaalada Jabuuti, ayaa wuxuu si aad ah usoo dhoweeyay
is-beddelka ka jira Bariga Afrika ee uu hormuudka ka yahay Abiy Ahmed.
Madaxwayne, Geelle, ayaa xusay in ay tallaabadani
xal ka geysan karto shaqaaqooyinka ka dhex taagan qaar ka mid ah Qowmiyadaha ku
dhaqan bariga Afrika iyo in is-afgaradka laga gaaro xaaladaha jira.
Wuxuu sidoo kale aad usoo dhoweeyay, mudane,
Geelle, dedaallada jira , isagoo ka mahad celiyay dedaallada caalamiga ah ee uu
wado Dr Abiyi Axmed, ee ku aaddan Gobolka, oo ay ka mid tahay dedaalka uu ka
sameeyay iyo geeddi-socodka is-dhexgalinta ah ee Jabuuti iyo Eritrea.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]