4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 21, 2018
Xog-hayaha Difaaca Mareykanka Jim Mattis oo Is-casiley

 

Jimco, December, 21, 2018 (HOL)- Xoghayaha difaaca Mareykanka Jim Mattis ayaa sheegay inuu shaqada ka tagayo bisha February.

Madaxweyne Trump ayaa bartiisa Tweeter-ka soo dhigey in uu howl-gab noqonayo Gen. Mattis bisha February ee sanadka dhalanaya.

Balse Gen. Mattis ayaa qoraal uu soo saarey ku sheegay inuu shaqada uga tagayo ka dib markii ay isku aragti noqon waayeen Madaxweynaha, Arrintan waxa ay ku soo beegmeysaa xili la isku mari la’yahay miisaaniyadda dowladda.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa wajahaya Caddaadis xooggan oo kaga imaanaya xildhibaanada Mareykanka,taasoo ka dhalatay Markii uu sheegay in ciidanka Mareykanka ay kasoo bixi doonaan gudaha Suuriya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]