4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 21, 2018
Mas’uuliyiin ka qeybgashay cilmi baaris la xiriirta Xoolaha iyo Beeraha oo ay soo bandhigtay Jaamacada Jobkey


Jimco, December, 21, 2018 (HOL)- Jaamacadda Jobkey oo ka mid ah Jaamacadaha ka jira dalka ayaa cilmi baaris ku sameysay beeraha iyo xoolaha Soomaaliya, iyadoo munaasabad lagu soo bandhigayey lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Munaasabadan oo aheyd mid si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa ka qeyb galay, Masuuliyiin horey xilal sare uga soo qabtay dowlada, Maamulka Jaamacadda Jobkey, howlwadeeno ka tirsan Wasaaradaha beeraha iyo Xanaanada xoolaha ee dowlada Somaaliya, aqoonyahano, arday iyo qeybaha bulshada.

Cilmi baaristan oo socotay oo muddo shan bilood ah ayaa waxaa sameeyey khubaro ka tirsan qeybta Cilmi baarisyada ee Jaamacada Jobkey, waxaana cilmi baaristan ay si qoto dheer uga hadashay beeraha iyo xoolaha dalka iyo hababka kala duwan ee looga faaiideysan karo.

Guddoomiyaha Jaamacadda Jobkey C/casiis Caagane C/samad oo munaasabadaas ka hadlay ayaa ka waramay muhimada ay cil baaristan u leedahay Soomaliya, isagoo xusay in lagu ogaaday arrimo badan oo ay ka mid tahay in xoolaha iyo beeraha Somalia looga faa'iideysan karo si ka baaxad weyn sidii horey loo sheegay ama loo aaminsanaa.

"Waxaa maanta farxad ii ah inaan soo bandhigno cilmi baaristan, sida aan la wada socono dhaqaalaha Soomaaliya waxaa uu ku tiirsan yahay beeraha iyo Xoolaha, waxaan aaminsanahay in shaqo la'aanta heysata dhalinyarada ay yaraan laheyd haddii ay u dhaqaaqi lahaayeen, ka faaiideysiga wax soo saarka dalka" ayuu yiri Gudoomiyaha oo dhinaca kale u mahad celiyey masuuliyiintii iyo aqoonyahanadii kala ee soo qeyb galay munaasabadan.

Siciid Jaamac Qoorsheel oo horay usoo noqday wasiir, hadana ah Gudoomiye ku xigeenka Xarunta tala soo jeedinta qaranka Soomaaliyeed oo wada shaqeyn la leh Jaamacadda Jobkey ayaa asagana ka hadlay shirka oo si weyn ugu hambaleyay wax qabadka ay soo bandhigtay Jaamacadda Jobkey oo arin loo baahnaa xiligeedana lagu soo beegay

Raisul Wasaarihii hore ee dowladii KMG aheyd ee Somalia Prof. Cali Maxamed Geeddi oo isna munaasabadan ka hadlay ayaa soo dhoweeyey Cilmi baaristan oo uu sheegay iney tahay mid wax weyn ka iftiimisay Xoojinta ka faa'iideysiga xoolaha iyo beeraha Soomaaliya.

"Jaamacadda Jobkey waxaan uga mahad celinaynaa cilmi baaristan qiimaha badan ee ay soo bandhigtay oo ay ka muuqato in diyaarinteeda juhdi iyo dedaal badan uu ku baxay, waxaana rajaynayaa iney wax badan ka kororsan doonaan heyadaha dowlada iyo kuwa caalamiga ah ee ku shaqada leh beeraha iyo xoolaha" ayuu yiri Prof. Geeddi oo dhinaca kale Jaamacada Jobkey ka codsaday iney cilmi baaris ku sameeyaan tayada cuntada dalka keeno oo uu sheegay iney aad u liidato si loogu baraarugo wax ka qabashadeeda.

Masuuliyiin iyo agaasimeyaal ka tirsan Wasaaradaha xanaanada xoolaha iyo beeraha ee xukuumada Somalia oo iyana ka hadlay munaasabadaas ayaa sheegay in Jaamacada Jobkey ay qabatay shaqo qiimo badan ugu fadhida ummadda, waxayna intaas ku dareen mahad celin ka sokow in cilmi baaristan ay uga faaiideysan doonaan waajibaadka ay u xilsaaran yihiin ee ah horumarinta xoolaha iyo beeraha.

Shiikh Cali Wajiis oo ah la taliyaha Madaxaweynaha Somaaliya kana tirsan Culimaa'udiinka Soomaaliyeed iyo xubno isugu jiray aqoonyahano iyo qeybaha bulshada oo halkaas ka hadlay ayaa dhamaantood soo dhoweeyey cilmi baaristan qiimaha leh, iyagoo ku booriyey iney halkaas ka sii wado dedaalkeeda ay ugu adeegeyso bulshada Soomaaliyeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]