4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 20, 2018
Guddoomiye Mursal oo sheegay in laga tanaasulay mooshinkii dhawaan laga keenay madaxweyne Farmaajo

 

Khamiis, December, 20, 2018 (HOL)- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa qoraal ka soo baxay waxaa in markii uu dhinacyo badan ka eego mooshkii dhawaan laga keenay madaxweynaha dowladda Soomaaliya ugu danbeyntii go'aan lagu gaaray in laga tanaasulo mooshinka.

Qoraalka oo ahaa mid labo Bog ayaa lagu sheegay in mar ka dhinacyo badan laga eego mooshinka xiligan wax sharciyad ah u heysan la horgeeyo Golaha Shacabka, isaga oo dhinaca kalana u mahad celiyay xildhibaannadii markii horeba keenay soo jeedinta oo sida uu hadalka u dhigay ka tanaasulay xuquuq dastuuri ah oo ay lahaayeen.

Nuxurka ku jira Qoraalka ee meesha ka saaray mooshinka ayaa waxaa ka mid ahaa in 14 xubnood oo magacyadooda ku jiray liiska xildhibaannada soo gudbiyay mooshinka sheegeen in laga been abuuray iyo in dalku uusan laheyn maxkamad dastuur ah fasiraad ka bixisan marka ay jiraan xaaladan oo kale.

Dhinaca kale guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ugu danbeyntii ku baaqay in deg deg loo dhiso maxkamad Dastuuri ah oo dowladdihii dalka isaga danbeeyay ka cag jiidayeen dhismaheeda.

Akhriso Qoraalka ka soo baxay guddoonka Golaha Shacabka :

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]