4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 20, 2018
Wafdi ka socda Kenya oo soo gaaray Muqdisho

 

Khamiis, December, 20, 2018 (HOL)- Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Muqdisho ay soo gaareen lagu-na soo dhaweysay wafdi uu hogaaminaayo Xassan Nuur Xasan Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Isboortiga Kenya.

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Soomaaliya,  Khadija Maxamed  Diriye ayaa wafdigaan soo dhaweysay waxaana la tilmaamayaa in ay wasaaradeedu casuumaad rasmi ah u fidisay.

Saraakiil ka tirsan Madaxdooda, Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda soomaaliya, Xildhibaano katirsan Labada gole Baarlamaanka Soomaaliya, iyo Dhallinyaro matalaayey xiriirrada Sportiga Dalka ayaa sidoo kale soo dhaweynta wafdigaan qeyb ka ahaa.

Wafdigaan oo Muqdisho joogi doona mudo 4 Cisho ah, ayaa wadada tashiyo ku aaddan horumarinta ciyaaraha Labada Dal waxay la yeelan doonaan madaxda wasaradda Isboortiga Soomaaliya iyo kuwa xiriirada ciyaaraha Dalka .

Wasiirka Dhalinyarada iyo ciyaaraha Soomaalia  Khadiijo Diiriye ayaa sheegtay wafdigan in uu qeyb ka yahay latashiyo wasaaraddu la sameyneyso Dalalka dariska ah oo lagu horumarinayo ciyaaraha dalka.

Xasan Nuur Xasan Wasiir kuxigeenka Isboortiga hiddaha iyo dhaqanka Kenya ayaa sheegey imaatinka Muqdisho inu ku faraxsanyahay , muddada uu joogana wadatashiyo la xariira horumarinta ciyaaraha Labada Dal uu la qaadan doono Madaxda ciyaaraha ee martiqaadday.

Nurre Mohamed Ali ,Hiiraan Online
[email protected]